Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in cudurka dabeysha uu ka dillaacay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab hal toddobaad ka dib markii cudurkaas lagu arkay magaalada Muqdisho.
Wasaaradda caafimaadka ee Kenya iyo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa xeryaha Dhadhaab ka billaabay olole tallaal oo looga hortagayo cudurka dabeesha.
Ugu yaraan afar ruux ayuu ku dhacay cudurkaas tan iyo markii uu xeryaha ka dillaacay laba toddobaad ka hor.
Ololaha tallaalka ayaa sidoo kale ka socda magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada koonfurta Soomaaliya.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in qaar ka mid ah gobolladaas aan saddexdii sano ee ugu dambeysay laga samayn wax tallaal ah, sababo la xiriira amniga.
Tallaalka ayaa ah sida keliya ee looga hortagi karo cudurka dabeesha, oo ka mid ah cudurrada faafa ee aan loo hayn wax dawo ah. Cudurkan dabeesha ayaa waxaa uu sababaa curyaannimo joogta ah.