Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan dagaal khasaare badan geystay oo shalay Casar-gaabkii ka dhacay degaaano ka tirsan gobolka Sh/hoose kuwaasoo dhexmaray ciidamada dowlada iyo AMISOM oo hal dhinac ah iyo xoogaga Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa bilowday markii xoogaga taabacsan ay wadada u galeen kolonyo ay wateen ciidamada dowlada iyo AMISOM oo marayey degaano u dhexeeya Yaaqbiri-weyne iyo Wanle weyn.
Wararku waxay sheegayaan in labada dhinac uu halkaas ku dhexmaray dagaal aad u culus oo faraha laga goobtay kaasoo soconayey muddo ka badan, kaasoo geystay khasaarooyin kala gedisan.
Goon joogayaal ayaa sheegay iney arkeen gaari looga gubay dagaalkaas ciidamada AMISOM oo goobta ku holcaya ka dib markii gantaal lagu dhuftay, iyadoo weerarkani lagu tilmaamay inuu ahaa mid Al-shabaab ay si weyn u soo abaaushay.
Afhayeenka dhinaca howlgalada ee Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid qorsheysan oo ay ku guuleysteen, wuxuuna xusay inay gaari dagaal ka gubeen ciidamada AMISOM, askar badana ay ka laayeen.
Qoraal ka soo baxay AMISOM ayey ku sheegtay inay fashiliyeen weerar ay Al-Shabaab ku soo qaaday ciidamo ka tirsan kuwooda oo dayactir ka waday jidka isku xira Muqdisho iyo Buur-hakaba ayna gacanta ku dhigeen dhaawacyada qaar ka mid ah xoogaggii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday
Ma sheegin AMISOM khasaare ka soo gaaray dagaalka, iyadoo Taliyaha guud ee ciidamada AMISOM, Jen. Andrew Gutti uu sheegay inay sii wadi doonaan howgallada ay Al-shabaab kaga saarayaan deegaannada ay weli ku sugan yihiin.
Ugu yaraan 10 ruux oo isugu jira labada dhinac ayaa dagaalkaas ku geeriyooday tiro kale oo intaa ka badana wey ku dhaawacmeen dagaalkaas inta laga warqabo, waxaana xalay saaka degen xaalada goobihii lagu dagaalamay oo ay gacanta ku hayaan ciidamada AMISOM.