Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa Maanta tacsi u diray umadda reer Puntland guud ahaan iyo mid gaar ah eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Maxamed Huruuse oo shalay ku Geeriyooday Dalka Cumaan.
‘Waxaan tacsi ka dirayaa geeridii Xaaji Maxamed Huruuse oo magac kulahaa Puntland gaar ahaan gobolka Bari,eheladii iyo dadkii uu ka baxay samir iyo iimaan Alaha ka siiyo” ayuu yiri Mudane Faroole”
Marxuum Xaaji Maxamed Huruuse ayaa shalay ku Geeriyooday Magaalada Salala ee Dalka Cumaan.