Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxwaynaha oo kasoo Horjeeda in Soomaali isugu timaado Dowlad Goboleedyo Federaal ah.

$
0
0

Xasan-Sheekh1Madax waynaha ayaa  kasoo horjeeda in soomaali isugu timaado dawlado goboleedyo fadaraal ah.

Siyaasada madax waynuhu waxa ay ka soo horjeedaa nidaamka hore loo qorsheeyay oo ah in somali isugu iman karto habka fadaraalka kaasoo ku qeexan kuna dhamaystiran dastuurka fadaraalka ah ee ay ku dhisan tahay dawladiisu inay ku shaqayso. dalku wuxuu leeyahay dastuur mudo dheer ladiyaarinayay isla mar ahaantaana ay ansixiyeen ergooyinka matalayay dhamaan umada soomaaliyeed kuwaas oo ay kamid yihiin beesha madaxwaynuhu ka dhashay ee uu hada ku hogaaminayo inay ka horyimaadaan dastuurka fadaraalka ah.

waxaa halka ka dhalanaysa suaal ah waa maxay sababta uu madaxwaynuhu uuga soo horjeedo nidaam ka fadaraalka? haduuse kasoo horjeed siday fadaraalka soomaalidu dhexdeeda iyo caalamkuba u arkaan in dalkaan burburay laysugu keeni karo si ay u helaan dawladnimo buuxda oo shaqaysa muxuu u hayaa isagu oo xal kan kaduwan ah?

intaynaan ku haliilin jawaabta aan dib idiin xusuusiyo mogdisho iyo burburkii dawladii dhexe 1991 dii. xiligaa waxa mogdisho u haray beelihii daganaa nawaaxiga caasimada iyo kuwo dool ku yimid oo ka soo hayaamay gobolada dhexe ee somaliya oo la hayb ah kuwa hareero daganaa mogdisho.shacabkii soomaaliyeed ee casimada mogdisho daganaa wixii alle kabad baadiyay mashaqadii dhacday waxay aadeen dhamaantood goboladii ay ka soo jeedeen. waxaa u haray MOGDISHO halbeel,waxay dageen wixii kasoo haray burburkii haday ahaan lahayd guryo shaqsiyaad leeyihiin iyo haday ahaan lahayd kuwii danta guud sida isguuladii,wasaaradihii,isbitaaladii intaba. waxay ilbaxnimo u arkaan dilka,dhaca,kufsiga dumarka iyo caruurta.caasimada oo ay daganyihiin ayaa sababtay in ay soomaaliya dib u hanan wayday dawladnimadii madama shacabka magaalada mogdisho dagani ay yihiin beeshan dawlad diidka ah ilaa hada.

Soomaalida inteeda badani waxay dagaanadoodii kasamaysteen burburkii dawladii dhexe kadib dawlado goboleedyo maamula sida SOMALILAND iyo PUNTLAND, oo lagu helay amaan iyo kala danbayn buuxda.hayeeshee waxa kaliya ee maamuladani ku guul daraysteen inay marti galiyaan caasimad soomaaliyeed ee baarlamanka iyo dawladuba si xor ah uugu shaqeeyaan oo u soo dagaan. laga soo bilaabo 1991-2013 waxa soomaali udiidan dawlad nimada waa caasimad baan jirin kol hadii halbeel ku habsatay oo dawlad iyo nidaam diid ahi. caalamka iyo wadamada soomaaliya daneeyaa aad uuguma dhuun daloolaan arimaha hoose ee ah in soomaali caasimad la dahay sababtan awadeed.caasimad waa goob wadaag ah oo cid gaar ahi ku habsan karin kuna xiran codka qofkastoo soomaaliyeed mana aha wax laysku qasbo oo waajib diineed ah. dalka meeshii ladoonaa laga dhigan karaa soomaaliday ku xirantahay.suuro gal maha in mogdisho dawladi ku shaqayso shacabkii soomaaliyeedna soo dagaan qarnigan.

22 sanadood qawlaysatadan mogdisho dagan waxay sababeen inay ku duulaan goboladii dariska la ahaa sida shabeelada hoose iyo bay iyo bakool iyo jubaland meelaha qaarkood waxay kusii yihiin wali baaqi oo xoog ku haystaan.waxay udiideen goboladaan inay dhistaan wax maamul iyo kala danbayn ah,waxayse awood u waayeen ay ku burburiyaan somaliland iyo puntland balse wayku guulaysteen inay udiidaan maamul koonfurta kale oo dhan. sababtuna waxaa weeye in soomaalida iyo caalamkuba u arkaan in uugu yaraan koonfurta soomaaliya qasantahay si wadar ah iyo iyagoo caalamka tusaya in caasimadii soomaaliya aysan nabad ahayn sidaa daraadeed soomaaliya nabad maha weeye.

Waxay caado ka dhigteen inay dusha kasaaran eed aan jirin si aan loo fahmin inay yihiin kuwa hortaagan soomaaliya oo dawlad yeelata casimada oo ay haystaan awadeed.markay tahay gudaha waxay ee deeyaan gobolada dhistay dawlad goboleedyada sida somaliland iyo puntland iyo khaatumo.markay dibada tahayna wadamada dariska ah sida EITHIOPIA oo ay ka qaylinayeen si aan loo arag iyo KENYA oo hada ay ka qaylinayaan si aan loo arag inay soomaali iyagu hortaagan yihiin. shalay itoobiya manta kenya barina ugaandha.

JAWAABTU waa A iyo B hadaba qaybta suaasha ee hore jawaabtu waa sidan waxa uu udiidan yahay fadaraalka waxay tahay ma uu qabankaro in uu deegaanada beeshiisa ka dhiso dawlad goboleed kamid noqota nidaamka fadaraalka hadii ay soo dhisan waayaana waxay kabaqayaan in somaalida iyo caalamkuma fahmo dhibta soomaaliya in ay halkan tahay sidaa daraadeed waa in lawaayaa cid sheegata ama dhisata dawlad goboleed fadaraal ah.

B:Waxa uu xal u arkaa in uu afka kasheegto fadaraal aanu ficilkeedii haynin,wadamada reer galbeedka qaarkoodna uu ka dhaadhiciyo in dawladu meel walba u magacawdo gudoomiye gobol oo macnaheedu yahay goboladii hore u dhismay 22 sanadood iyo kuwa beeshiisu dagto ee nabad diidka ahi waa isku mid oo mid walba hadaan u magacaabayaa siyaasi iraacsan oo aan geesto gobol walba.kadib dalkii sidaa halagu dajiyo oo aan ahaado madaxwayne ka xoog badan xiligii siyaad bare.halkana waxaa ku bad baadaya beeshayda oo aan loo arki doonin caqabad hortaagan soomaaliya oo aan waxba qabsan karin.

Gunaanad

Madaxwaynuhu qorshihiisa siyaasadeed maha in deegaan walbaa iyo gobol walbaa hoos iska soo dhiso si xor ah oo dimuqraadiyad ah oo dadku doonayaan kadibna ay kamid noqdaan fadaraalka dalku leeyahay. waxa uu doonayaa in gabi ahaanba laga takhaluso nidaamka fadaraalka reer galbeedna xoog uugu muquuniyo gobolada dalka oo dhan isagana loo gacan galiyo loo shaqeeyo isaga oo isagoon waxba qaban ismalurahaas ah uu dalka sidaa ku hanto kuna ahaado madaxwayne.wali ma aragno qaarabadiisa dhaw iyo beeshiisa ku jirta iskuuladii dhalaanka soomaaliyeed wax ku baran jireen oo uu kasaarayo ma aragno guryaha dadka ee walaaladii haystaan isagoo uga saaraya dadkii xaqa u lahaa wax kalaba ha joogtee. ma hayno wax amaanka halka uu dagan yahay ah oo uu wax ka qabanayo.mahayno wax state ah oo uu ka dhisayo deeganada uukasoo jeedo ee taageersan halka kuwa dhistay uu burburinayo sidaa jubaland state. waxa uu doonayaa in soomaaliya usii xayiraato beeshiisa 50 sano ee soosocota hadana qayladoodu waa kenayaa kusoo duushay soomaaliya!!!! iyo fadaraalku waa noocee!! isagoo dafirsan nooca uu yahay. soomaali iyo caalamkuba dib halaysu waydiiyo soomaaliya ma ubaahantahay inay hesho caasimad ay ku noolyihiin shacab marti galinkara oo xilkaa qaadi kara.ma la orankaraa dhibkuba waa caasimada? waxay ilatahay in dhibka soomaaliya dagaalada sokeeye,ururada diimeed,argagixisada,iyo dawlad la aantuba intaan soo gaarteen hadii la dareemi lahaa in dhibkuba yahay caasimada xalkuna yahay badal.

Yuusuf Omar Mashruuc5@hotmail.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles