Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Kaaliyaha Madaxweyne Faroole oo Faahfaahin ka Bixiyey Safarka Wafdiga Madaxweynaha.

$
0
0

397447_473109659442751_2039933721_nMadaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa ku sugan maalinkii sadexaad magaalada Nairobi ee xarunta Kenya oo kulamo kula leeyahay diblumaasiyiin Afrika ,Yurub iyo USA ka socda.

Kaaliyaha Madaxweynaha Dowlada Puntland Yuusuf Maxamuud Xasan oo Saxaafada la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobada ay ka wada hadleen madaxweyne Farole iyo diblumaasiyiinta dalalka daneeya Somalia.

”Amaanka ,arimaha doorashooyinka Puntland iyo guud ahaan xaaladaha Somalia ayaanu ka wada hadalnay” Ayuu yiri Yuusuf.

Dowladda Kenya oo gacan wayn ka gaysata siyaasada Somalia oo ciidamo ka joogan gudaha dalka islamarkaasina martigelisey boqolaal kun oo qaxooti Somali ah tan iyo burburkii ayuu ku sheegay Yuusuf mid lagama maarmaan noqotay inay iska arkaan xaaladaha dalka iyo gobolka guud ahaan.

Dhiibaatada dhaqaalaha ee dalka ka taagan ,mawqifka ay Puntland ka taagantahay iyo qaabkii loo maareyn lahaa Shilinka Somaliga qiima dhaca ku yimid ayaa qayb ka ahayd ajandihii Puntland ay la hortagtay Beesha Caalamka.

Ugu danbeyntii ayuu xusay kaaliyaha madaxweynaha Yuusuf Maxamuud Xasan in dhowaan u anbabixi doonaan dalalka kale oo ay casumaad ka heleen oo gobolka ku yaal iyo weliba qaar ka mida Khaliijka Carbeed.

Tan iyo 10-kii Septemer 2012 Madaxweynaha Puntland ayaan dalka dibada uga bixin marka laga reebo dhowr maalmood oo Tacsi Jabuuti uu u tagay waxana uu ku doonayaa socdaalkan inay isku xog waydaarsadaan beesha caalamka.

Xigasho: Xafiiska Madaxweynaha Dowlada Puntland.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles