$ 0 0 Waxaa maanta duhurkii dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho wafdigii ay dowladdu u dirtay magaalada Kismayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose. Wafsigan oo isugu jiray wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay wasiiro ka tirsan xukuunadda oo horey Muqdisho ugu Sugnaa. Wafdigan ayaa intii ay Kismayo ku sugnaayeen waxay inta badan ku xayirnaayeen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo Gobolkaasi Jubbada Hoose.