Magaalada London ee caasimada Uk ayaa waxa xalay (25.05.2013) ka dhacdey xaflaad aad u qiimo badneyd oo ay ka soo qayb galeen dadweyne tiro badan oo ka kala yimid dhamaan gobolada dalkan Britain iyo waliba degmoyinka ay ka kooban tahay magaladan london.
Hadaba dadkii ka soo qayb galay xafladan ayaa dhamaantood waxay ka mideynaayeen taagerada iyo u hambalyeynta madaxweynaha cusub ee la doortey ee Jubbaland Mudane sheekh Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa Generaal Fartaag.
Waxaa madashaasi ka hadley madax fara badan oo kala kala socotey jaaliyado fara badan, kuwaas oo dhamaantood ku mideysnaa taageerada Jubbaland State, sidoo kale Ismail Dirie oo ah aqoonyahan Somaliyeed ayaa halkaa ka sheegay in aysan jirin sabab Barre Hiirale loogu tilmaamo madaxweyne madaama uu intuu qol kaligii isku soo xirey ku dhawaaqay inuu yahay madaxweyne.
Sidoo kale Dirie ayaa wuxuu tilmaamey in aysan caalamku indhahooda ka qarsan in shir mudo sanad iyo ka badan socdey oo ay kasoo qayb galeen odayaal dhaqameedkii reer Jubbaland oo dhan ay garteen isla markaana ay isku raaceen in Jubbaland maamul yeelato madaxweynna uu ka noqdo Sheikh Amed Madoobe.
Halkaasi ayaa waxa sidoo kale ka hadley A/Kasim Dhagaweyne oo isaguna halkaas ka sheegay in Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil uu Dastuurka Soomaaliya ku iibsaday lacago, sidoo kalena sheegay in ninkaas iyo kuwa la midka ahba aysan dan u hayn umada Soomaaliyeed hadaba guud ahaan xafladii xalay oo ay soo qaban qaabiyeey ururka sahal group ayaa waxay ku bilabatey kuna dhamaatey si farxadeed.
Abdirahman Mohamed
London Uk, Email: shire99@hotmail.com .