Wafdi Wasiiro Ah ayaa Kismaayo Waxa ay Soo Gaareen Xili Hore oo Saaka Ah.
Wasiiradan Ayaa Waxa ka Mid Ah ,wasiirka gaashaadhiga C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi, Wasiirka Warfaafinta Boostada Isgaarsiinta iyo Gaadiidka C/llaahi Ciilmooge Xirsi iyo Wasiirka Cadaalada Garsoorka iyo Oowqaafta C/llaahi Abyan Nuur ayaa gaaray magaalada Kismaayo.
Wafdigan ayaa shalay laga soo celiyay hawada Jubbooyinka hase ahaatee saaka aroortii ku kalahay magaalo madaxda J/Hoose.
Wafdiga Wasiirada ah ayaa hada ku sugan Airporka magaalada halkaa oo ay horey ugu sii sugnaayeen xildhibaano magaalada laga soo saaray la isu keenayna goobtan Airporka ka dib markii Amnigooda la Sugi Waayey.
Maamulka Madaxweyne Axmed Islaam ayaa ku dhawaaqay in uu joojiyo la kulanka kuwa danaha qaska iyo kala qeybinta Jubbooyinka u taga.
Wasiiradan hada ku Sugan Magaalada Kismaayo ayaa lagu eedeenayaa in aanay u socon wax u dan ah danta guud ee Soomaaliyeed iyo sidii xal loogu heli lahaa kala boodka labada dhinac ka jira hase yeeshee qabyaalad iyo la dagaalan nabad deegaanka ku hoowlan.
Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale ku eedeenaya raga Xamar laga soo diro in aanay soo wargalin waqtiyada ay imanayaan iyo waxa ay u imanayaan.
Labadan shuruud ayaa ah waxa ugu yar ee Masuul laga rabo marka uu deegaan kale u socdaalayo hadii ay tahay dalka gudhiisa ama dibadiisa.
Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lacag badan ku bixiyay kuna bixinaya in laga hortago Maamulka Jubbaland ee ka soo gudbay caqabado waaweeyn.