Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka doodaya mooshin ka dhan ah Xukuumada.

$
0
0

xildhibaanoBaarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya mooshin ka dhan ah Xukuumada Soomaaliya, kaasoo dhowaan la horgeeyay Gudoonka Baarlamaanka, iyadoo Xildhibaanada ay si gaar ah uga doodi doonaan waxbqadka xukuumada mudadii ay jirtay.

Fadhiga baarlamaanka oo ah mid xasaasi ah ayaa ka duwan kulamadii hore, iyadoo goor sii horeysay mudanayaasha baarlamaanka fariimo qoraaleedyo loogu sheegay inay ka soo qeyb galaan kulanka baarlamaanka oo bilaabanaya 9-ka subaxnimo ee saakay.

Sida uu qabo xeer hoosaadka baarlamaanka mooshin la keeno ayaan cod loo qaadi doonin ka hor inta aysan Xildhibaanada baarlamaanka marka hore ka doodin, waxaana maanta ay ku siman tahay oo kaliya dooda mooshinkan.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa dood kulul dhex mari doonta, waxaana Xubnaha mooshinka soo diyariyay laga doonayaa inay faah faahiyaan mooshinkooda iyo eeda ay tabanayaan, halka mudanayaasha difaacayana la filayo inay ka jawaabaan.

Warar ku dhow dhow gudoonka baarlamaanka ayaa sheegaya in dooda mooshinka ay socon doonto maalmo, lagana yaabo in kama dambeys maalinta sabtida ay noqoto in Xukuumada codka kalsoonida loo qaado, maadaama laga keenay mooshin kalsooni kala noqasho ah.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay ahaa kuwo kala qeybsanaa,iyadoona ay soo baxayaan warar sheegaya in xildhibaanada qaarkood  Beelaha ay kasoo jeedaan jagooyin loo balan qaaday si ay uga laabtaan xildhibaanadu mowshinka ka dhanka Xukuumada Saacid.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369