Xildhibaanadii Waday Mowshinka ka dhan ah Xukuumada uu Hogaaminayo Ra’iisulwasaare Saacid Shirdoon ayaa Maanta waxay kulan ku yeesheen Gudaha Magaalada Muqdisho.
Halkan ka Dhegayso Codka Xildhibaan Barre.
Xildhibaanadan kulanka Yeeshay oo tiro ahaan Kor u dhaafaya 60-Xildhibaan ayaa sheegay in ujeedkoodu yahay Badbaado Qaran,iyagoona dhaliil ujeediyey Madaxda Sare ee Dowlada kuwaas oo ay ku eedeeyeen faro Gelin ay ku Sameeyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo Kale waxa ay Hoosta ka xariiqeen in Kulankooda beri ay Codka Kalsoonida Xukuumada u qaadi Doonaan.