Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Ergadii Dooratay Madaxda Jubbaland iyo Ergadii Ururka IGAD oo Is Afgartay(Dhegayso).

$
0
0

Ergadii Dooratay Madaxda Maamul Goboleedka Jubbaland iyo Wafdi Ka Socday Urur Goboleedka IGAD Ayaa Maanta Waxa ay Gaareen Is Afgarad Buuxa,ka dib markii ay Kulan ku Yeesheen Hoolka uu shirku ka socday ee Jaamacada Magaalada  Kismaayo.

Halkan ka Dhegayso Waraysiga Jaamac Ugaas oo ka Mid ahaa Ergadii dooratay Madaxda Jubbaland.

Guddiga markii ay yimaadeen magaalada Kismaayo waxay halkaas kula kulmeen madaxweynaha Jubbaland iyo kuxigeenkiisa, ka dibna waxaa loo gudbiyay goobtii shirweynaha ee Jaamacada Kismaayo iyagoo halkaa kulumo kala gooni gooni la yeeshay salaadiinta, saxiixayaasha qorshaha maamul usmaeynta Jubbaland iyo ergadii dooratay madaweynaha Jubbaland Sheekh Axmed Madoowe.

Odayaashii dhaqanka ayaa waxaa la weydiidyay siday u arkaan maamulka Jubaland iyadoo gudidu qoranayeen jawaabaha laga bixinayay su’aalaha ay salaadiinta weydiinayeen.

Salaadiintii guddiga la kulantay oo ka koobnayd dhamaan beelaha daga gobolada jubbooyinka iyo gedo ayaa hoosta ka xariiqay inay ku qanacsanyihiin maamulka ay doorteen.

Guddiga IGAD waxay odayaashii waydiisay wax ay yihiin dadka la sheegayo inay madaxweyne sheegteen waxayna ku jawaabeen inay yihiin shakhsiyaad ay DF Muqdisho kasoo dirtay si ay qas iyo dagaal uga ridaan Kismaayo, isla markaana beesha caalamka loo tuso inaysan beelaha dega sadaxda gobol heshiis ahayn.

Gudiga IGAD ayaa ilaa beri Kismaayo sii joogi doona iyagoo la kulmi doona dhamaan qeybaha ay bulshadu ka kooban tahay, waxayna dadkii ay kula kulmeen u sheegeen in cabashadooda iyo waxyaabaha ay ka tabanayaan dowladu ay u gudbin doonaan shirka IGADA ee bishan dhamaadkeeda ka dhici doona Addis Ababa.

Guddiga IGAD wuxuu ka koobnaa toddobo qof , Dowladda Somalia waxaa u matalayey Ambassador Maxamed Cali Ameriko.

Jaamac Ugaas oo ka mid ah ergadii dooratay Axmad Madoobe oo caawa la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in IGAD ay ku qanceen wadadii loo maray doorashada madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka Jubaland.

Isku soo wada duuboo jawiga shirka ayaa maanta ku soo dhamaaday guul iyo is afgarad Buuxa.

axmed-madoobe-dhaarin7


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles