Gudoomiye ku xigeenka gudiga arimaha gudaha iyo samaynta maamulada ee Barlamanka Somalia Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sharci darro ku tilmaamay guddi shalay uu u magacaabay Raysal wasaare Saacid arrimaha Jubooyinka.
Xildhibaanka oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in hawshan ay lahayd wasaarada arrimaha guddaha iyo Barlamanka Somalia oo lagala tashado ,waxana uu raacshay in xubnaha ku jira qaarkood aysan ka soo jeedin gobollada Jubooyinka iyo Gedo.
”Guddi Ayaa jira Barlamanka oo shaqo ku leh maamulada ,wasaarad ayaa sidoo kale jirta qaabilsan hawshan,Dastuur ayaa jira iyo qaynuun loo maro maamul marka la dhisayo,waxaan ku tilmaami karaa oo kaliya go’aan caadifadeed” ayuu yiri Jeesow oo raaciyey hadalkiisa ”Ma garan karo waxay ka soo qabanayaan raga la iska magacaabay Kismayo”.
Waxa uu sheegay inuu ka mida ahaa mudanayaashii tagay Kismayo oo booqday shirka bishii hore lana kulmay madaxda maamulka iyo odayaasha dhaqanka.
Arrimaha Jubooyinka iyo shirka Kismayo ayaa hadal hayntiisu waayadan danbe socotay guud ahaan dalka iyo Jaaliyada dibadda ,inkastoo horey madaxda DF Somalia u diideen shirka ka socda Kismayo oo ay ku tilmaamtay mid aan dastuurka waafaqsaneyn haddana waxa taageero uu ka haystaa gudaha aqalka wakiilada.