Dowladda Puntland ayaa barnaamijka horumarinta degmooyinka ee JPLG ku tilmaamtay mid lagu guuleystey ka dib sanado uu ka shaqeynayey qaar ka mida degmooyinkeeda.
Qoraal si wadajir u soo saareen wasaaradaha arrimaha gudaha iyo maaliyada Puntland ayaa lagu sheegey JPLG mid laga gaarey guulo la taaban karo tan iyo bilowgiisi oo fududeeya gaarsiinta adeegyada bulshada.
Waxa uu hirgeliyey JPLG furitaanka wadooyin ,dhismaha suuqaq ,baahinta xukunka iyo horumarinta adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada.waxana uu ka hawlgalaa 6 degmo Puntland oo kala ah Bossaso ,Qardho ,Garowe ,Eyl ,Bander-Bayla iyo Jariiban.
Hayadaha UNCDF, ILO, UN-HABITAT,UNDP iyo UNICEF ayaa ku bahoobey mashruucan oo %85 dhaqaalihiisa ay baxshaan , %10 dowladda dhexe ayaa bixisa hala %5 ay dowladda Hoose ay ku soo beeganto.
”Mashruuca JPLG wuxuu gaaray natiijadii laga rajaynayay,waxana mashaariicdii la hirgashay dhamaadeen xiligii loo qoondeyay”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo la raaciyey in Puntland dhaqaale ku bixisey horumarinta degmooyinka.
Labadan wasaaradood oo hormuud ka ah barnaamijkan fulintiisa ayaa codsadey in kor loo qaado dhaqaalaha lagu baxsho JPLG si loogu soo daro degmooyin kale Puntland.
Ugu danbeyntiina waxay u mahadceliyeen hayadaha ku bahoobey JPLG sida ay uga qayb qaateen horumarinta degmooyinka iyo kor u qaadida tayada hawlwadeenada dowladda.