Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Labo weriye oo ka tirsanaa warbaahinta al-Shabaab oo isku dhiibay dowladda.

$
0
0

Muscab-tuug3-300x238Labo weriye oo ka tirsanaa shaqaalaha Raadiyow Andalus ee ku hadla afka kooxda al-Shabaab ayaa isku dhiibay ciidanka ammaanka ee degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, sida ay Saxaafada  u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Baydhabo.

Labada weriye oo lagu kala magacaabo Cabdikariin Jakarta iyo Aways Cumar Cali ayaa ka howlgeli jiray idaacadda Andalus laantii ay ku lahaan jirtay magaalada Baydhabo ka hor intii aan lagala wareegin magaalada.

Isa soo dhiibidda weriyeyaasha waxaa fududeeyay qaar ka tirsan mas’uuliyiinta maamulka dowladda ee Baydhabo.

Labada weriye ayaa ka hor inta aaney isa soo dhiibin waxay maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaayeen degmada Buurhakabo oo ay soo gaareen, waxaana haatan lagu hayaa saldhigga magaalada Baydhabo.

Waxaa lagu wadaa in dhowaan maamulka Baydhabo uu saxaafadda u soo bandhigo weriyeyaasha ka soo goostay kooxda al-Shabaab.

Waa markii ugu horreysay oo weriyeyaal daacad u ahaa kooxda al-Shabaab ay soo goostaan. Ma jirto cid ka tirsan al-Shabaab oo ka hadashay isa soo dhiibidda weriyeyaasha.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles