Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Warbixin Shirka Soomaalida ee London.

$
0
0

Somalia-Final-300x200Shirweyne caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu berri ka furmo magaalada London ee caasimadda dalka Britain, kaas oo ay wada shir-guddoomin doonaan dowladaha Soomaaliya iyo UK.

Shirka ayaa ujeeddadiisa lagu sheegay in la mideeyo taageerada beesha caalamka ay siiso Soomaaliya iyo in dowladda laga caawiyo qorshayaasheeda siyaasadeed ee ku wajahan dib-u-dhisidda ciidamada qalabka sida, booliska, ilaalada xeebaha, nidaamyada caddaaladda, maareynta hantida dadweynaha iyo gacan ka geysashada abuurista degannaansho siyaasadeed.

Sida lagu qoray bogga siyaasadda arrimaha dibadda ee Britain shirka waxaa looga golleeyahay in ay bulshada caalamka isku raacdo sida ugu wanaagsan ee ay u taageeri karto meel marinta qorshaha siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya.

London waxaa gaaray wufuud iyo madax ka socota dalal iyo hay’ado caalami ah, waxaana ku jira madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ku biiray mas’uuliyiintaas.

Shirka London waxaa sidoo kale lagu soo hadal-qaadi doonaa howlgalka cusub ee Qaramada Midoobay UNSOM, howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), arrimaha qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalalka deriska ah iyo doorka qurbajoogta ee dib-u-dhiska dalka.

Waa shirkii labaad ee ay Britain u qabato Soomaaliya. Horraantii sanadkii hore shir kale oo heer caalami ahaa ayaa London loogu qabtay Soomaalida.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles