Dunnidaan waxaa ku amar ku taagleeya Reer Galbeed , Dadku waxay u kala yihiin Raaciyaddooda iyo Caddowgoodda , Reer Galbeedku waxay raacaan taariikhda, Aragtiyo ka soo horjeedday doonitaankoodda oo xilliyo hore ahaa waxa ay u ciqaabaan dadka haatan dagan deegaanadda dadkaas hore ee toodda diidanaa ku noolaayeen .
Waxay sidoo kale abaal marin u fidiyaan dadka Raaciyadda u noqda ee u hoggaansama heeryaddooda Gumaysi , Ujeedka Reer Galbeedku waa in afkaartoodda dadka dunnida ku dhaqan oo dhami u hoggaansamaan , Cidi ka hortimaaddana ay muqunin ulla tagaan.
Sahamaddii sahmiyayaasha Reer Yurub ee dhulka Soomaalida yimi waxay keeneen xog ah in dadka Soomaalidu yihiin kuwo qabyaalad la nool ahna dad dambeeya oo ay fududahay in la gumaysto isla markaana lagula dhaqmo habka ay u dhigan yihiin ee ah kala qaybsanaanta ,siday isu dagaalsan yihiina loo kala siiyo hub ay isku dillaan.
Waa hubaal markaas in aysan dadka Soomaaliyeed lahayn indheer arag , curiya wax ka baxsan dareen qabyaaladdeedka , Taas oo ah aragti ku qotonta Islaamnimo iyo Soomaalinimo .
Muddo yar ka dib haddii Ingiriisku joogay dhulka Soomaalida intiisa badan , waxaa Soomaaliya laga aassaasay Dhaqdhaqaaqi Daraawiishta ee ka soo horjeedday Gumaystaha Gaalleed ee dhulka Soomaalida haysta .
Aqriye dulucda aynnu u dhaadhacno , Halkaan daraawiish kaga sheekayn mayno, Qormaddu waxay khusaysaa , Maxaa Somaliland iyo Puntland Shirka Ingiriiska ka qayb galinaaya , Khaatumo-na u diiday ????
Waa Hubaal oo Qofka Soomaaliyeed ee qabyaaladdu caqliga ka cufaysay waxa uu la soo boodayaa Khaatumo Maamul ma ahan ? Ismase wayddinaayo Maxaa Somaliland iyo Puntland maamuladda ka dhigay .
Sanadki Hore ayay hayd kolki aan iswayddiiyey sababta Xildhibaanadda dadka Deegaanadda Maamulka Khaatumo la dhaho ee qabyaaladdeed loo gaarsiiyey heer UNPOS-ku ka hadlo ?
Ma ahan su’aal jawaab dagdag ah looga jawaabo karo , Taariikhda in loo noqdana kama fursanayso , Sababta keentay In Khaatumo xildhibaanaddeeda la dhaho waa la isku haystaa iyo in aysan Ka qayb galin Shirarka Gumaystayaashu Soomaalida u qabanayaan ?
Iswayddiinta jawaabteedda aan soo helay waxay noqotay Reer Galbeedku ma cafiyaan qofka ka hor yimaadda heeryaddooda Gumaystaha , Sababta Khaatumo (Maamul Qabyaaladdeed) xildhibaanaddooda loo kala qaybiyey aysana u hellin aqoonsiga Somaliland iyo Puntland (Maamulo qabyaaladded) haystaan ayaa ah in Deegaanaddaasu yihiin dhulki Ingiriiska lagala dagaamay ee ee laga aassaasay Daraawiishti Saraakiisha badan ka dishay Ingiriiski Soomaalida gumaysanaayey .
Waa hubaal in Ingiriisku ka duulaayo sida dadka deegaanadda Khaatumo haatan isku magacaabay uga soo horjeesteen waagaas , Uuna xasuusan yahay Haddal suugaameedyaddi gabayahano Soomaaliyeed ee uu kan hoose ka mid yahay .
Gumburo iyo cagaarwayne iyo geedki daratoole .
Goobtii jidbaaliyo xargaga guul daradi joogtay
Gambigii ka dhacay ruuga iyo gudurigii haagay
Goboddeeda beerdhiga wixi la isku gooryaamay ….
Dayuuraddaha gowliyo wixi samadda guuraayey
Daarihii galgalintaa noqdiyo gabiyaddii ciiray ..
Wixi guul dariyo hoog ka dhacay dunnida guudkeedda
Gaallo iyo Daraawiish wixi uunka kala gaaray… Ismaaciil Mire .
Gumaystayaashu waxay abaal mariyaan kuwa Gabdhahoodda ku casuma ee heeryaddooda Gumaysi ogolaadda , waana sababta Puntland iyo Somaliland u haystaan aqoonsiga , Waxaa lagu abaal marinayaa Gabdhihi ay siinayeen , Douglas Collins Iyo qayrkiis sida ay igu buugtooda ku qoreen, odayaddi gumayste kalkaalka ahaa ee joogay , Xaafuun , Caluula , Barbara Iyo Magaalooyin kale ee ka mid ah deegadda cadoowga Soomaaliya ee Somaliland iyo Puntland.
Kolkaas laba indhood oo kala duwan ayaa lagu eegayaa , Baargaal , barbara Iyo Taleex , Buuhoodle , Gumaystuhu qaybta soo dhowaysay waa abaal marin halka uu dagaal aan dhamaad lahayn ku haynaayo kuwa la dagaalamay .
Waxa ay ogyihiin oo daraasaddoodda dadka Soomaliyeed ay ka sameeyeen sheegaysaa in dadka qabyaaladda la nool ee Soomaaliyeed ay taariikhda raacaan , Soomaali kali ah ma ahan Bini’aadamka oo dhan ayaa sooyaalka ka shidaal qaata, Tusaale qofka Xaafuun jooga waxa uu raacayaa sidi dadki ka horeeyey ee halkaas daganaa u dhaqmeen ee ahayd in Gumaystaha loo hoggaansamo , Halka Qofka Taleex jooga uu ku himmagashan yahay Qalcadda Taleex ee muujinaysa gumayste la dagaalanka.
Sidaas marka ay u kala noqdaan waa in uu cadaadiyo kuwa wadaniyadda sida ee isaga afkaartiisa diidan , waa sababta Khaatumo Xildhibaanaddeeda loo kala qaybiyey , waa sababta Khaatumo oo ah Maamul la mid ah maamuladda kale ee qabyaaladdeed sida Somaliland iyo Puntland aysan u hellayn aqoonsiga Maamul Shirarka Gumaystaha taga .
Qofka cadoowgaaga ah waa in aad bahdisho , curyaamisona dhaqdhaqaaqoodda , taas waxaa ku quus qaaddanaaya dadka kale ee hadda raba in ay aragtiyo ay iyagu leeyihiin meel marsaddaan , waxaana abaalmarinta dabadhilifka ku dhiiranaaya dadka hadda jooga ,oo leh gumaystaha ka agdhowoow si aad Somaliland iyo Puntland u gaarto .
Hoggaamiyaha Gollaha Qabyaaladda Soomaaliya Xassan Maxamuud Culusoow , Waxa uu shirka Ingiriiska ku casumay Qabqablaha Hargaysa Siilaanyo ,iyo Kan Garoowe Faroole oo uu ayaamahan la joogo , Maxaa u diiday in uu Taleex taggo oo Qabqablayaasha Khaatumo ku casumo shirka , Taas awood uma leh oo David Cameron ayaan ogolayn in Xassan Culusoowga gumaystuhu ku adeeganaayo uu tago dhulki laga soo abaabulay duulaamaddi uu ka mid ahaa kii lagu dilay 1913-ki Rechard Corfield , Ee Inna Cabdulle Xassan ka tiriyey .
Adaa Koofiloow jiidatayaan dunnida joogayne…
Daraawiish jikaar nagama dayn tan iyo jeerkii dheh
Ingiriis jabyoo waxa ku dhacay jac iyo baaruud dheh
Waxay noo janjuunteenba waa jibashaddiinii dheh
Jigta weerar bay goog barqo ah nagu jiteeyeen dheh .
Annigana Jikrey illa heleen shalay jihaadkii dheh
Jeeniga hortiisay rasaas igaga joojeen dheh .
Idlayn.
Tan waxaynnu ka baranaynnaa sida Gumaystayaashu u dhibaan dadka dagan deegaanadda gumayste la dagaalanka ku sheegan aynna u abaal mariyaan kuwa u hoggaansama heeryaddooda gumaysi .
Aqriye danta dadka Soomaaliyeed kolka laga hadlaayo Khaatumo , Somaliland , Puntland dhamaan waa dareeno qabyaaladdeed waxayna wadda noqon aragtiyo Somalinimadda dhibaato ku ah .
Qormadda ullama jeedo in Faroole , Axmed Karaash iyo Siilaanyo kala fiican yihiin , bal waxaynnu ku arkaynaa sida dadka deegaanadda Khaatumo sheegtay Gumaystuhu caddaadiska ugu hayo sababta oo ah Taariikhda mid lagu salaynaayo .
Dhibaataddu waxay haysataa dhamaan dadka Soomaaliyeed , Gumaystahana qorshihiisu waa meel oo waa in Dal Soomaaliya la dhaho ka baxo saaxadda dunnida , iyadda oo dalka Soomaaliya loo kala qaybinaayo Kiinya iyo Itoobiya ,taas oo ay qayb wayn ka qaadanayaan Somaliland iyo Puntland .
W/Q Idiris A .Dooxa-joog
E-Mail: Dooxajoog5@gmail.com
Facebook: Halkaan Riix