Maansadaan waxaa Curiyey Abwaan Feysal Maxamed Yusuf(Cad Ceed-Qorax) Wuxuuna Abwaanku ugu Magac Daray Dood Furan.
-Dan miyaa ma doorbaa
-Maducaa ma dayraa
-Madabaa ma daadbaa
-Ma duufaano dhacayoo
-Dabayluhu wa daanbaa
-Maansadan la dadeyee
-Anigoon dareen qabin
-Daaftayda lagu furay
-Durbaanada loo tumatay
-Kolay daawan maayoo
-Derisnimo ma bidayee
-Dariiqay ku socotiyo
-Dawgaan ku ridayaa
-Doc uleexan maysee
-Diiraddaan u xirayaa
-Dalyaqaan ayaa wada
-Diricbaa shukaaniya
-Majaraha dushiisana
-Miilkeedu kama dego
-Dulna muu khasirin abid
-Deeqii ilaah iyo
-Dar alay ku socotaa,
-Afartaasi waa door
-Waa dood abwaaneed
-Maanso daah furkeedii
-Dabar baan ku xirayaa,
-Midna waan ku darayaa
-Anigiyo dabuub tay
-Damanaan umaan dhalan
-Marna layma dagi karo
-Dabin layma dhigi karo
-Daljir guuna baan ahay
-Daacad nimada kama tago
-Dulmi dawyo uma maro
-Inaan daano geestiyo
-Daan daansi maan wado
-Deris kaan wadaag niyo
-Cidna duudsi maan lihi
-Xaqa lama damiri karo
-Inaan demiyo mooyee
-Weligay dab maan shidin
-Dulucdaydu waa meel
-Dacwad baan furaayaa
-Waxaan uga dan leeyahay
-Ninka dooda furayee
-Deelayda curiyoow
-Deyr baad ku odoo
-Geesbaad u didisoo
-Waad dacal istaagtee
-Anoon taada diidayn
-Aan hadalka door shoo
-Docda kale ka eegee
-Waxa adiga kuu daran
-Ana way damqaayaan
-Midnimaanse door biday
-Taa waxaa kasii daran
-Dalkii aan lahayn iyo
-Soomaalida dirkeedaba
-Dockastooy ku nooshahay
-Way wada dareentoo
-Dabka wada kulaashaye
-Daba qabasho mooyee
-Door wuu idlaadaye
-Aan suxulka duuboo
-Dabiib aan u raadshee
-Maxaa maanta noodana
-Oo aan ku doognaa,
-Afartaasi waa dood
-Danta guud ka hadalkeed
-Dawgaan u marilaa
-Dabar baan ku xirayaa
-Midna waan ku darayaa
-Daahaan ka rogayaa
-Su,aalaha is daba yaal
-Wixii kaa dahsoonaa
-Aan ku daalacsiiyoo
-Daliil kuugu yeelee
-Diiwaanka baar baar
-Taariikhda dib u eeg
-Gumaystaha dirkiisiyo
-Diirkayga kii neceb
-Degelkayga kala jaray
-Shanta dacal ukala diray
-Duutitay awoowgay
-Inkastooy difaac adag
-Daafaha ku oodeen
-Duugii kasoo haray
-Duli qahu ima dayn
-Maantuu na dagayaa
-Dabin noo maleegaa
-Dilaalow adeegiyo
-Dulmi qabe ma waayoo
-Damac buu ku hodayaa
-Damiir laawe mooyee
-Dareen qabaha ma ogola
-Doolar wuxuu ku bixiyaa
-Inaan kala dareer noo
-Marna kala dibood noo
-Dab dhexdeena laga shido
-Fadaraal dan mood iyo
-Dogob dogob ukala diro
-Dacar laysu mariyoo
-Walaaluhu is diidaan
-Derejiyo xilkii mudan
-Waan daafadaynaa
-Duubka waxaynu saarnaa
-Midaan diir naxaynoo
-Dakanooyin hore qabey
-Isha waxaan ka dadabnaa
-Daluuntuu inoo qodo
-Door waxaynu moodnaa
-Durbaan loo garaaciyo
-Dibnohoo amaaniyo
-Inta dooga loolulo
-xaflad loo daleeyoo
-Dulmi loo xanbaarshaa,
-Afartaas is dabayaal
-Sooyaal da, wayn iyo
-Diiwaan ka soo xulay
-Sida delebka ma u riday
-Midna waan ku darayaa,
-Waxaan idin dareen siin
-Soomaalay dantaadiyo
-Doorkaad lahayd iyo
-Meeday derejadaadii
-Dunidii hayaantaye
-Dib miyaan u soconaa
-Dareen kii miyuu lumay
-Waadiga isdooxoo
-Dabinka isu dhigayoo
-Badaha isku daad shee
-Maxaa daaha kuu rogay
-Inaad diir wadaagtaan
-Diin ina midaysiyo
-Dhaqan aan is diidayn
-Marna kala durkaynoo
-Dan wadaag idaan tahay
-Daah igama saarnoo
-Cidna diidi maysee
-Dur duradii fardoowsaad
-Eebe hawgu deeqee
-Abwaan doorki baa yiri
-Dugsi male qabyaaladi
-Waxay dumiso mooyee
-Ana waxaan ku darayaa
-Qabiil duugi aragtee
-Qaran maw dareer taan
-Isagaa daryeel lehe
-Door kiisa garataan
-Dakanooyinkii dhacay
-Dulmiyadii lakala galay
-Anoon daaha saarayn
-Daayinkeen an barinoo
-Geedka u dareernee
-Xeerbeeg dangaradoo
-Aramida dilaacshoo
-Boogaha dabiibee
-Hala wada ducaystoo
-Hala wada dawoobee
-Waxaa maanta ii dana
-Oo aan ku doognaa
-Madax daacad nimo iyo
-Diin lagu bar baarshoo
-Waalidkii u duceeyoo
-Dulmi uu ka dheer yahay
-Dan yarta u adeege ah
-Maato daadeheeye ah
-Nabad soo dabaale ah
-Midnimada daneeye ah
-Gobanimada doone ah
-Gumaysiga la dirire ah
-Qarannimo difaace ah
-Daneheena dhawre ah
-Dibadaha ma eege ah
-Mucaawino ma doone ah
-Dalag yada irmaanshe ah
-Badaha u dareershe ah
-Ciideena dihin iyo
-Khayraadka dooxe ah
-Alow doorka maanta ah
-Midkii aan ku degi layn
-Garansii dadkaygoo
-Eebow nadaba qabo,
-Waxba yaanan daaaline
-Dulucdiyo ujeedada
-Aan soo dabaaloo
-Danta guud ka raacee,
-Deeleey dareen leey
-Dabar iyo hogaan male
-Dadku waa u siman yahay
-Cidna daarimaysee
-Kii dani ka haysoo
-Murtidu ay damqaysoow
-Maan sada ku soo durug
-Dooduna inoo furan.
Waad Mahad san tihiin.
By.Abwaan Feysal Maxamed Yusuf(Cadceed-Qorax).