Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa agaasimaha idaacada iyo telefishinka Puntland u magacaabay wariye Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismayo).
Idaacada Puntland oo dhismeheeda la dhameeyey dhowaana xariga laga jaray ayaa Axmed Kismayo maamule ka noqon doona ,sidoo kale bisha June,2013 ayaa la filayaa in markii ugu horeysey isna hawada la geliyo Telefishinka Puntland.
Muddo 12 sanno kor u dhaafaysa ayaa Axmed Kismayo waxa uu wakiil uga ahaa Puntland Idaacada BBC-da Somaliga ,waxana horey uga tirsanaa hawlwadeenadii Radio Muqdisho.
” Waxaan laanta Somaliga u soo shaqeeyay 12 sano iyo dhowr bilood waxana ku faraxsanahay kaalintii aan ka qaatay muddadaas warba ahinta Somaliga ee caalamiga ah iyo sidii aan uga soo shaqeeyay gobolka aan u dhashay” ayuu yiri Axmed Kismayo oo raacshay in haatan gudaha dalka uu ka hawgali doono qoraal uu ku faafshay mid ka mida bogaga xiriirka dadweynaha ee Internetka.
Horey uma jirin warbaahin ku hadasha afka Dowladda Puntland tan iyo markii la asaasey 1998 ,iyadoo talaabadan dadweynaha Puntland soo dhoweeyeen warbaahin dowladu yeelato.
Xigasho:Xafiiska Dowlada Puntland.