Guddiga doorashooyinka Puntland TPEC ayaa shaaciyey xiliga ugu danbeeya ee qabashada liisaska musharaxiinta golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland oo ah 11 May,2013.
Doorashada ayaa dhici doonta 30 June,2013 ,waxana ururada siyaasada Puntland ay u tartami doonaan kuraasta degmooyinka Puntland oo doorashadu si isku mid ah uga dhici doonto.
Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Dr.Maxamed Xasan Barre oo saxaafada shir ugu qabtey Garowe maanta 06 May,2013 ayaa sheegey inay ku wargelinayaan ururada siyaasada Puntland muddada ugu danbeysa ee soo gudbinayaan araajida musharaxiinta u taagan doorashada degmooyinka.
”Waxaan la socod siineynaa ururada siyaasada inay ugu danbeyso soo gudbinta liisaska 11 May,2012 saacadu markay tahay 5:00 galabnimo” ayuu yiri gudoomiyuhu.
Waxa uu sheegey inay socoto diyaarinta doorashada oo uu rajo wanaagsan ka muujiyey dhankooda ”TPEC” iyo dhanka dowladdaba oo sida uu hadalka u dhigey geedi socodkan hormuud ka ahayd.
Dhinaca kale Gudoomiyaha ayaa xusey inay soco hawsha lagu dhisayo maxakamada dastuuriga ah ee Puntland oo uu ku tilmaamay mid muhiim u ah doorashada dhaceysa keenteyna baahi loo qabo xiligan in la dhiso.
”Madaxweynuhu waxa uu soo saarey wareegtada maxkamada ,gacanta ayaa lagu hayaa sharciyadeedi ,ka dib ayaa loo gudbinayaa Barlamanka kalfadhigooda 15 June,2013 ,waxana muhiim ah jiritaankeeda ka hor intaan doorashada la gelin” ayuu yiri Maxamed Xasan Barre.
Doorashooyinka golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland ee dhacaya 30-ka June ayaa lagu wadaa in laga codeeyo dhamaan degmooyinka ,waxana ururada siyaasadu u tartamayaan hanashada codka shacabka Puntland.