Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Shirkii Urur Goboleedka IGAD oo lasoo Gabagabeeyey(Sawiro).

$
0
0

Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobia ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirkii Urur goboleedka IGAD, iyadoona madaxweynaha Soomaaliya uu kulamo gaar gaar ah kukla yeeshay Adis Ababa madaxda Itoobiya iyo Kenya.

Xasan Sh Maxamuud ayaa arimaha gobollada Soomaaliya gaar ahaan Jubbooyinka kala hadlay Madaxweynaha KENYA Uhuru Kenyatta iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Haila Maryan Deseanglen.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha dalka Uganda oo ciidamo dalkiisa ka socda ay kusugan yihiin gudaha Soomaaliya.

Wadamada IGAD ayaa balan qaaday inay aqbali doonaan siyaasada Soomaaliya ayna ka go;an tahay sidii loo taageeri lahaa dowlada uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sh Maxamuud.

Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Magaalada Adis Ababa ayaa waxaa ku jira in si nidaamsan loo maro howsha gobollada Jubbooyinka gaar ahaan arimaha maamul usamaynta.

Waxaa jira in dowlada Soomaaliya loo madax banaaneeyay maamul usamaynta gobollada hase ahaatee IGAD ay gudi usaari doonto la socoshada xaalada goboladaas.

Waxaa Magaaladaas dhawaan gaari doona wafdi ka socda IGAD oo ka kooban dhamaan dalalka Kenya, Uganda, Itoobiya, Sudan, Jabuuti iyo kuwa kale.

Gudigaas ayaa si gaar ah ula socon doona arimaha maamul usamaynta Gobollada Jubbooyinka oo haatan uu ka soconayo shirka maamul usamaynta Jubbooyinka.

ske_16

SOMALIA


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles