Dowladda Puntland ayaa sheegtey markii ugu horeysey inaysan ka qaybgaleen shirka London ee Somalia taageerada looga raadinayo Beesha Caalamka oo furmi doona 7 May,2013.
War saxaafadeed ka soo baxay Puntland maanta 03 May,2013 ayaa lagu shaaciyey arintan ,waxana lagu sheegey in Puntland diyaar u tahay ka qaybgalka dib u dhiska dalka iyo xasilooni in dib loogu soo dabaalo.
”Puntland waxay ka qayb qaadatay nabada Somalia ,waxana horumuud ay ka ahayd la-dagaalnka argagixisada ,burcad badeeda iyo xagjirnimada Somalia” ayaa lagu sheegey qoraalka.
Sanado ayay sheegtey Puntland in goobaha iyo shirarka caalamiga ah ee la iskugu yimaado ka muujisey welwelkeeda ku aadan qaabka loo qaybiyo mucaawinada Somalia ay ka hesho beesha caalamka,waxana shirka London ay ka fileysaa inuu qaab cusub oo guud ahaan Beesha caalamku uga qayb qaadato Somalia ka soo baxo ,iyadoo la tixgelinayo duruufaha jira iyo xaqa Puntland ay leedahay oo ku qeexan Dastuurka DF Somalia.
Puntland ayaa ugu baaqey Britain inay eegto xaqaa’iqda Somalia ka jirta iyo baahida loo qabo dhismaha maamul goboleedyo sida ku xusan dastuurka,waxana ay welwel ka muujisey wax ka badalka dastuurka DF oo la ansixiyey.
”Puntland waxay ugu yeereysa madaxweynaha DF Somalia ,oo ah ilaaliyaha dastuurka ,Gudoomiyaha Barlamanka iyo ergayga UN u qaabilsan Somalia inay furaan baaritaan balaaran oo deg deg ah kaasi oo fasiraad ka siinayaan dadweynaha Soomaliyeed Dastuurka” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland ka soo baxay.
Booqashadii Xasan Shiikh Maxamuud ee Puntland iyo waxyaabihi ay ka wada hadleen labada dhinac ayaa qayb ka ahayd warka ka soo baxay Puntland oo sheegtey inay jirin cid casuntey shirka London islamarkaasina aysan u diri doonin Britan wafdi ka socda.