Qaar ka Mid ah Siyaasiyiinta ,Waxgaradka,iyo Aqoonyahanada Beesha Dishiishe ayaa Kulan Waxay ku yeesheen Magaalada Bosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Kulankan ayaa waxa soo qaban qaabiyey Qaar ka mid ah Siyaasiyiin ka mid ah Beesha Dishiishe ,Kuwaas oo horey xilal uga soo qabtay Dowlada Puntland.
Kulan oo ahaa Aayo ka talinta Beesha ayaa waxa ka hadley Eng C/risaaq Xuseen Gacayte oo horey usoo noqday Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowlada Puntland ayaa sheegey inuu aad ugu faraxsan yahay in ay beeshu isugu timaado halkan oo ay ka tashato aayaheeda,isagoo xusey inuu diyaar u yahay in ay beeshu midowdo oo ay wax wada qabsato uuna diyaar u yahay inuu ka qeyb qaato.
Sidoo Kale Waxaa Kulanka ka hadlay Dr Cismaan Cabdi Passenjer isagoona sheegay in uu aad ugu Faraxsanyahay in Beeshu ku tashato Aayaheeda.
Sikastaba ha ahaatee kasoo qeyb galayaashii shirkan oo ay ka hadleen dad badani oo ay kamid ahaayeen,Caaqil Siciid Axmed Yuusuf iyo Shoombe Maxamud Afcase,iyo Dr maxamed Siciid Shabeele iyo Cali Maxamed Axmed(Fanaan), iyo Salaado Abtidoon ayaa dhamaantood taageerey shirka looga hadlayo Aayaha Beeshooda iyagoo xusey in ay aad usoo dhaweynayaan shirka midnimada beeshuna ay tahey muqadas.
sida ay Warbaahinta Raadreeb u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Siyaasiyiinta soo qaban qaabiyey kulan ayaa sheegay in Kulankani uu socon doono Mudo Dhowr beri ah iyadoona qodobo Wax ku ool ah laga soo saari Doono Hadii Eebe Idmo.