Ciidamada Dowlada Puntland ayaa maanta meel fagaare ah ku toogatay 13 ruux oo horay maxkamadi ugu xukuntay dil, kuwaasi oo sida dawladdu sheegtay lagu helay dambiyo ku saabsan ka mid ahaansho Al-shabaab iyo dilal ay gaysteen.
13-ka qof ee maanta la toogtay mid ka mid ah waxay ahayd haweenay maxkamadu ku heshay in ay ku lug-lahayd dilkii Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo sannadkii 2011-ka lagu dilay magaalada Bossaso, iyadoo sidoo kale isla dadka la toogtay ay ka mid ahaayeen dhwr qof isla dilkaasi u xukunnaa.
Dadka la toogtay maanta ayaa dhammaantood u xirnaa Al-shabaabnimo sida saraakiil ammaan oo Daljir la hadashay ay xaqijiyeen, waxaana xukuntay maxkamadda ciidamada Puntland xilli sii horreeyey.
Inkasta oo aysan warbaahintu joojin goobta dil-wadareedkaasi ka dhacay, haddana ilo kala duwan ee xagga dawladda ah ayaa xaqiijiyey toogashadaasi.
Waa tiradii ugu badnayd ee dad loo haysto dambiyo noocaas la xiriira oo halmeel lagu wado toogto, waxaana jira sida dawladdu sheegtay dad kale oo wali xabsiyada ku jira oo ku eedaysan dambiyo kuwaasi la mid ah.