Madaxweynaha DF Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa si weyn maanta loogu soo dhoweeyey magaala madaxda Puntland Garowe ,waxana wehelinayey xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo barlamanka Somalia.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ,ku xigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ,wasiiro ,xildhibaano ,taliyaasha ciidamada kala duwan ,aqoonyahano ,culimo ,dhalinyaro iyo ururada haweenka ayaa garoonka diyaaradaha Garowe ku soo dhoweyey Xasan Shiikh.
Aqalka madaxtoyada cusub ee Puntland ayaa wafdiga DF Somalia loo galbiyey ,waxana halkaasi labada masuul ay kula hadleen saxaafada.
Madaxweyne Farole ayaa sheegey inuu ku faraxsanyahay booqashada madaxweynaha Somalia uu ku yimid Garowe ,isagoona xusey in ay filayeen indhowaale imaatinkiisa.
Dhismaha DF Somalia iyo kaalintii Puntland ay ka qaadatay hirgelinta geedi socodii ”RoadMapka” ayuu wax ka taabtay ,halka uu Puntland ku tilmamay hooyadii Dowladda Soomaaliyeed.
Nidaamka Federaalka Somalia ayuu ku sheegey Farole mida keliya ee la iskugu soo celin karo Somalida ,waxana uu rajo wanaagsan ka muujiyey wadahadalada ay yeelan doonaan.
”Somalia waxa la iskugu soo celin karaa oo keliya waa Nidaamka Federaalka oo waxna la wadaago waxna la kala leeyahay” Ayuu yiri Farole oo sheegey in latashiyo iyo shirar ka yeelan doonaan dhamaystirka dhismaha DF Somalia.
Dhankiisa ayuu Xasan Shiikh Maxamuud ka mahadceliyey soo dhoweyntii diiraneyd ee loo sameeyey,isagoo hoosta ka xariiqey in Puntland bud dhige u ahayd dadaalkii looga baxay KMG-nimada Somalia.
”Wax badan ayaa ka dhiman hirgelinta nidaamka Federaalka ah ,wadadu waa mid qodxo iyo dhaqxaani taalo ,waxana looga gudbi karaa iskaashi ,kalsooni iyo isku samir” ayuu yiri Xasan Shiikh oo ka hadlayay sida dowladiisu ay u dhaqan gelineyso nidaamka Federaalka Somalia.
Midnimada Somalia iyo sidii la iskugu keeni lahaa Somalida ayuu madaxweynuhu sheegey inay ka shaqeeynayaan ,waxana uu yiri.
”Dalkaani waa mid ,war ma kaal go’naa iyo ma kala tagnaa maanta ma taagna laakiin sidee dadkii iyo dalkii shalay meeshay joogeen iskugu soo celinaa ayaa noo taal inaa ka shaqeyno ,Somali waa hal”.
Puntland ayaa Xasan Shiikh ku tilmaamey mid tusaale u ah Dowladda Soomaaliyeed maadaama ay ku timid fikir Soomaaliyeed oo isku tashatay iyadoo cidna dibadda uga iman.
Kulamo iyo shirar ayaa la filayaa inay galaan madaxda DF Somalia iyo Puntland intay booqashadani socoto ,waxana sidoo kale ay booqan doonaan xarumo ku yaal magaalada Garowe.
Xigasho:Xafiiska Madaxweynaha Dowlada Puntland.
![1_39]()
|