Dowlada Puntland ayaa sheegay inuu dadaal xooggan ku bixiyey siduu u xakameyn lahaa saameynta hoos u dhaca sarrifka lacagta doollar uu ku yeelan karo dhaqaalaha Puntland.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in tallaabadii maamulka uu ku mamnuucay in lacag shilin Soomaali ah laga dhoofiyo deegaannada Puntland ay wax weyn ka qabatay hakinta sabbeynta sarrifka lacagta.
Wuxuu sheegay inay ku faraxsan yihiin in maanta qiimaha sarrifka doollarka uu yahay mid fadhiya, balse wuxuu sheegay inuu jiro hoos-u-dhac dhaqaale oo ka taagan magaalada Boosaaso iyo deegaannada kale ee Puntland.
Cabdiraxmaan wuxuu sheegay in hoos u dhaca dhaqaale laga dareemay Puntland kaddib markii ay furmeen dekedaha magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, isagoo sheegay in badeecadihii gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ay kala soo degi jireen dekedda Boosaaso ay ula wareegeen dekedaha furmay.
Wuxuu u jeediyay ganacsatada inay la shaqeeyaan mas’uuliyiinta Puntland u qaabilsan ururinta dakhliga si loo hubiyo inuusan hoos u dhicin dhaqaalaha Puntland.