Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Dowladda Britain oo ka digtay weeraro Argagixiso oo Al-Shabaab ka fuliyaan Muqdisho.

$
0
0

unionjak (1)Dowladda Britain ayaa ka digtay weeraro argagixiso oo ay ka mid yihiin qaraxyo oo Al-Shabaab ka fuliyaan magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, iyadoo u digtay muwaadiniinteeda inay xilligan u safraan Soomaaliya.

War ka soo baxay Wasaarada Arrimaha dibada Britain ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab iyo kooxo kale oo ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya ay qorsheynayaan weeraro isugu jira qaraxto iyo afduub ay ka geystaan Muqdisho iyo deegaanada ku dhow dhow.

Britain ayaa tilmaamtay inuu haatan heer gabo gabo marayo weerarada la doonayo in Muqdisho lagu fuliyo, iyadoo si gaar ah muwaadiniinteeda uga dalbatay in aanay tagin magaalada Muqdisho.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in weeraradan laga yaabo in lala beegsado, maqaayadaha, Hoteelada, meelaha dadka isugu yimaadaan iyo xarumaha dowladda iyo garoonka diyaaradaha.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in xaalada magaalada muqdisho ay ka soo reyneysay tan iyo sanadkii 2011, inkastoo ay jireen weeraro Argagixiso oo Al-Shabaab ka fulinayeen magaalada, kuwaasoo ka mid ahaa weerarada is qarxinta.

Digniintan ka soo baxday Wasaarada Arrimaha dibada Britain ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muwaadiniinteeda ay horay uga digtay inay tagaan dhulka Somaliland.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan warbixinta dowladda Britain ku sheegtay in weeraro argagixiso inay Al-Shabaab ka fuliso Muqdisho.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369