Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Kenyatta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya(Sawiro).

$
0
0

Safiirka dalka Soomaaliya u jooga wadanka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa ku booqday xafiiskiisa madaxweynaha dhowaan la doortay ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Kulankan ayaa waxa ay labada mas’uula ka wadahadleen sidii  loo sii xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya labada dal ee deriska ah Soomaaliya iyo Kenya.

Danjire Cali Ameeriko ayaa ku wareejiyay madaxweynaha dhambaal hambalyo ah oo uu ka siday madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Danjire Cali Ameeriko oo ka hadlay waxyaabihii ay ka wadahadleen Madaxweyne Kenyatta ayaa yiri: “Waxaan ka wada hadalnay sidii ay Soomaaliya iyo dawlada cusub ee Kenya u yeelan lahaayeen xiriir adag oo diblamaasiyadeed, maadaama ay Kenya tahay wadan muhiim ah oo aan daris nahay”.
Madaxweynaha waxaan dhambaal hambalyo ah uga siday shacabka iyo dawlada Soomaaliyeed, si diiran ayuuna nooga gudoomay” ayuu sii raaciyay.

Madaxweynaha cusub ee Kenya loo doortay ayaa xilka la wareegi doona 9 bishan April markaas oo loo samayn doono xaflad wayn oo la filayo inay kasoo qaybgalaan qaar kamid ah hogaamiyayaasha qaarada Afrika iyo kuwa gobolkaba.

Kulankan ayaa waxaa uu ku soo beegmay iyadoo la qorsheynayo in dalka Soomaaliya ay ka baxaan hal batalyan oo ciidamada nabad ilaalinta ah ee dalka Kenya ka jooga dalka Soomaaliya.

DSC_2171

DSC_2176.jpg
_T3Q5095.jpg
_T3Q5110.jpg


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles