Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Nabadoon Caan Ah oo Magaalada Marka lagu dilay.

$
0
0

Magaalada_markaKoox hubaysan ayaa galabta toogasho ku dishay Maxamuud Maxamed Xuseen oo ka mid ah nabaddoonnada caanka ka ah magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose.

Goobjoogeyaal ayaa Saxaafada u sheegay in saddex nin oo dhallinyaro ah oo bastoolado ku hubaysan ay bartamaha magaalada ku toogteen, waxayna rasaastu ka haleeshay qaybaha sare ee jirkiisa.

Marxuumka oo dhaawaca ahaan goobta looga qaaday ayaa markii dambe ku naf baxay isbitaalka degmada Marka.

Kooxda dilka gaysatay ayaa durba ka baxsatay goobta, iyadoo qaar ka tirsan ehellada marxuumka oo codsaday inaan la magacaabin ay dilkiisa la xariiriyeen maleeshiyada al-Shabaab oo horay ugu hanjabtay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles