Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xarunta golaha Shacabka waxay ku magacaabeen guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka.
Gudiga xildhibaanada baarlamaanka isku raaceen inay noqdaan guddiga doorashada ayaa gaaraya 15 xubnood.
Xubnaha guddiga ayaa lagu soo xulay nidaamka qabaliga ee 4.5 oo ay ku dhisan tahay dowladda Soomaaliya.
Gudoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka Soomaaliya Cismaan Cilmi Boqore, ayaa shaaciyay in guddigaasi laga sugayo inay ka shaqeeyaan doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.
Dhinaca kale xildhibaanada baarlamaanka hortooda waxaa lagu dhaariyay seddex xildhibaan oo kamid noqonaya xildhibaanada baarlamaanka.
Xildhibaanada maanta la dhaariyay ka maqnaa dhaartii Tallaadadii lasoo dhaafay ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagu dhaariyay xildhibaanada baarlamaanka.
Guddiga cusub ee ka kooban 15 xubnood ayaa looga fadhiyaa inay shaaciyaan waqtiga doorashada guddoonka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.