Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Taliye ku Xigeenkii Madaxtooyada Soomaaliya oo La dilay.

$
0
0

Sida ay noo sheegeen dad goobjoogayaal ah toogasho ayaa ka dhacday madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia, halkaasi oo la sheegay in lagu bartilmaameedsaday mid ka mid ah saraakiisha madaxda ka aha qasrigaasi.

Warar hordhac ah oo aanu helnay ayaa sheegaya in sarkaalka la bartilmaameedsaday uu ahaa Taliye-xigeenka Madaxtiiyada isla markaana uu toogtay nin lagu tuhunsan yahay inuu ka mid yahay ciidanka.

Ninka toogashada gaystay ayaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday.

Ilaa hadda ma cadda sababta dilka sarkaalka ka dambaysay. Dhinaca kalena dawladda Soomaaliya kama aysan hadlin weerarkan ilaa haatan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles