Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Puntland oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Labo Qof oo Cudurka dilaaga Ah Ee AIDS- Gudaha Puntland ku Faafinayay.

$
0
0

Hay’adaha amniga Puntland ayaa maanta gacanta ku so dhigay labo qof oo lagu eedeyay inay gudaha Puntland ku faafinayeen cudurka AIDS-ka sida ay shaacisay hay’adda la dagaalanka cudurka AIDS-ka ee Puntland ee loo yaqaan PAC.

Agaasimaha Hay’adda la dagaalanka cudurka AIDS-ka ee Puntland ( PAC), Dr C/rixmaan Saciid Dhagaweyne ayaa warbaahinta u sheegay in labada qof ee la qabtay ay kala yihiin Rag iyo dumer kala yihiin,kuwaaso si ula kac ah u faafinayay cudurkan.

“labada qof ee aan hayno waxay kala yihiin rag iyo dumar,gabadhu uma dhalan Puntland,waxayna cudurkan qaadsiisay ilaa saddex qof oo rag ah oo soo guursaday”. ayuu yiri Dhaga-weyne.

Sidoo kale,Dr Dhagaweyne ayaa sheegay in labadan qof dhawaan la horkeeni doono Maxkamad si  lagu qaado dacwada la xiriirta danbiga ay galeen,taaso uu ku macneeyay inay tahay  danbi ay bulshada
ka galeen.

Dhinaca kale, agaasimaha la dagaalanka Cudurka AIDS-ka Puntland Dr C/raxman Dhagaweyne ayaa Hay’adaha Amaanka ugu baaqay inay sii wadan Howl-galada ay ku baadigaabayaan Dadka ku kacay falalka faafinta cudurka AIDS-ka oo aanan puntland sidaas ugu badneyn.

Ugu Danbaytii,waa markii ugu horaysay oo sanadkan Hay’ada la dagaalanka cudurka AIDS-ka Puntland ee markii magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan (PAC) ay ka hadasho fal la xiriira faafinta cudurka dilaaga
ah AIDS-ka ee dilaaga ah.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles