Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Fiqi Bashiir Abdulle Osman iyo soo dhoweyntii Gothenburg

$
0
0

Xaflad si weyn loo soo agaasimay isla markaasna lagu soo dhoweynayey Fiqi Bashiir Cabdulle Cusmaan ayaa 16kii bishan lagu qabtay magaalada Gothenburg ee wadanka Sweden. Xafladaan oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyada Somaliyeed ee ku nool magaalada Götenborg  iyo nawaaxigeeda ayaa aad uga duwanayd xafladihii horay uga dhicijiray wadankaan marka laga fiiriyo sida ay soomalidu ugu midaysnayd soo dhawaynta Fiqiga iyo sida culima udiinka iyo noocyada kala gadisan ee jaaliyada ku nool Götenborg ay uga soo qaybgaleen ugana muujiyeen sida ay ugu faraxsanyihiin soo dhawaynta Fiqi Bashiir Cabdulle Cismaan.

Fiqi Bashiir Cabdulle Cismaan oo ka mid ah Isimada Soomaliyeed gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Puntland, waxaana beesha reer Xirsi Farax  oo mudo bil ah shir wada tashi uga socday Baliga Jeedalow ee dagmada Bacaadwayn ee Gobolka Mudug ay ugu doorteen inuu noqdo Fiqiga beesha Dr, Bashiir Cabdulle Cismaan.

Fiqi Bashiir oo asbuucyadii ugu danbeeyay dib ugu soo noqday wadanka Swedan oo uu horay u daganaa waxaa xaflad balaaran loogu qabtay caasumada wadanka Swedan ee Stockholm oo jaaliyada Soomaliyeed ay si isku duubni iyo farxad leh ugu muujiyeen dareenkooda ku aadan sida ay ugu faraxsan yihiin Fiqi Bashiir Cabdulle magacaabida loo magacaabay inuu noqdo mid ku soo biiray Isimada Soomaliyeed maadaama uu yahay nin aqoonyahana, wadani ah jecelna midnimada umada soomaliyeed-

xaflada sabtidii ka dhacday magaalada Götenborg ayaa noqonaysa middii labaad ee jaaliyada Soomaliyeed ay ugu dabaal dagaan soo dhawaynta Fiqi bashiir iyo ay ugu jiraan isla markaana shirar badan oo uu la yeelandoono bulshada somaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Göteborg ee wadanka Sweden intaas kadibna waxa uu safaro badan ku maridoono wadamo ay ka mid yihiin Austaralia, USA Canada, UK, Zambia, Kenya ugu danbayn waxa uu ku noqon doonaa Soomaliya oo ah meeshii lagu soo doortay Fiqiga.

Beesha Reer FIQI Xirsi Faarax ee uu Fiqi Bashiir Cabdulle Cismaan hogaanka dhaqanka u dooratay dhawaan waa beel magac ahaan aad looga yaqaano wadanka Soomaaliya iyo daafaha Caalamka, oo ay ka dhasheen rag Aqoonyahano, Cuqaal, Ganacsato iyo Siyaasiyiinba leh taariikh dheerna ku dhex leh Umada Soomaaliyeed iyo deegaanka Soomaaliyeed, ku dayashana mudan maadaama ay beeshu leedahay dhaxal ilbaxnimo oo soo jireen ah iyo hogaan umadeed ku dhisan horumarin iyo aragti fog oo xaalada taagan iyo mid mustaqbal dhaxalgal u noqon karta.

 

 

Daawo Xafladdii Oo dhan

IMG_43 IMG_42-1 IMG_40 IMG_20 IMG_16 IMG_7 IMG_5 IMG_2

Sawiro Badan Halkaan Riix


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369