Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ciidamada Mulitariga Itoobiya oo ka wada baxay Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

$
0
0

ciidamada-itoobiya11Ciidamada Itoobiya ayaa waxay ka wada baxeen Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, waxayna ka  baxeen xalay iyo saakay.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxay si lama filaan ah ay uga baxeen Magaalada Xudur, iyadoo dadka reer Xudur aysan fileyn in waqtigaan Ciidamada Itoobiya, ay isaga baxayaan Magaalada Xudur.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxay u amba baxeyn dhinaca Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool, halkaasoo uu ka dhaw yahay xadka labada dalka ee Somaliya iyo Itoobiya.

Ciidamada Dowladda Itoobiya oo Magaalada Xudur ku kaabaayay Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa waxaa xilligaan ku harsan oo kaliya Ciidamada Dowladda.

Wararka laga helaayo Magaalada Xudur ayaa waxay sheegayaan in ka bixista Magaalada Xudur ee Ciidamada Itoobiya, ay baqdin badan ku dhalisay shacabka reer Xudur.

Shacabka ayaa waxay baqdin ka muujinayaan in Xoogaga Al-Shabaab ay dagaalo ku soo qaadaan gudaha Magaalada Xudur, oo muddo sanad kahor lagala wareegay Al Shabaab.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles