Xarunta wasaarada Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga Puntland ee Garowe ayaa maanta waxa ka dhacdey xaflad uu xilka ku wareejinayey wasiirkii wasaaradaasi Daa’uud Maxamed Cumar oo saddexdii sanno ee ugu danbeysey xafiiska joogay.
Wasiiru dowlaha wasaaradaasi Dr.Sayid Maxamed Cabdule Xasan ayaa si rasmi ah ula wareegey xilka ,waxana ka soo qaybgalay wasiiro ka tirsan dowladda ,sarakiisha hayadaha bahwadaagta la’ah iyo hawlwadeenada wasaarada.
Daa’uud Maxamed Cumar ayaa soo jeediyey khudbad dheer uu kaga hadlay waxyaabahii u qabsoomey saddexdii sanno uu xilkan hayey oo ka mid ahayd hawsha tirakoobka dadka taasi oo uu ku tilmamaay inay ahayd mid adkeyd kuna qaadatay laba sano.
Horumarka wasaaradu gaartay ayuu sidoo kale ku sheegey wasiirku inay ka mid tahay xiriir wanaagsan inay la yeesheen hayadaha caalamiga ah iyo deeq bixiyaasha ka taageera Puntland dhinaca mashaariicda horumarineed iyo gargaarka bini’aadanimo.
Ugu Danbeytii Wasiirkii hore ee qorshaynta Mudane Daa’uud Maxamed Cumar Waxa uu Sheegay inuu hada la shaqayn doono Dowlada Federaalka ee Soomaaliya balse mar walba laabtiisa ay ku qoran tahay Puntland hormarkeedana uu ka shaqayn doono hadii alle idmo, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu ku qanacsanyahay xilka uu wareejiyay, maadama uu xilku meerto yahay, qofkastoo Puntland ahna xaq u leeyahay inuu wax doorto lana doorto.
Sayid Maxamed Cabdule Xasan wasiiru dawlaha qorsheynta ee la wareegey xilka ayaa sheegey in hawsha wasaarada ka sii wadi doonaan meeshii uu soo gaarsiiyey wasiirkii hore ee wasaarada.