Diyaarada Ethiopian Airways ayaa waxay markii ugu horeysay ay ka shaqo bilaabi doontaa Magaalada Muqdisho, iyadoo isugu kala gooshi doonta Caasimadaha Muqdisho iyo Addis Ababa.
Safiirka Dowladda Ethiopia ee Soomaaliya u fadhiya C/Casiis Axmed Aadan, ayaa wuxuu maanta uu Warbaahinta uu u sheegay in diyaaradaha Ethiopian Airways, ay duulimaadyo ka bilaabeyso Magaalada Muqdisho.
“Ethiopian Airways waxay duulimaadyo ay ka bilaabeysaa Magaalada Muqdisho goor dhaw.” Ayuu yiri Safiirka Dowladda Ethiopia ee Soomaaliya u fadhiya C/Casiis Axmed Aadan.
Safiirka ayaa wuxuu sheegay inaysan jirin wax diyaarado ah oo ka hawl gala Magaalooyinka Muqdisho iyo Addis Ababa, laakiin ay xilligaan doonayaan inay sameeyaan diyaarado isugu kala goosha labada dhinac.
C/Casiis Axmed Aadan ayaa wuxuu sheegay in labada shacab aysan jirin diyaarado ka caawiya inay labada dal isugu kala gooshaan, marka laga reebo safaro dhinaca dhulka ah, sida uu sheegay.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay mahdineysaa Dowladaha waaweyn ee xilligaan balan qaadaaya, inay diyaaradahoodu ka hawl galaan Magaalada Muqdisho.