Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Salaad Cali Jeelle oo ka hadlay dilalka ku soo badanaaya Magaalada Muqdisho.

$
0
0

1 111AACC-Salad-Cali-JeelleXildhibaan Salaad Cali Jeelle oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa wuxuu markii ugu horeysay uu ka hadlay, dilalka ku soo badanaaya Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Xildhibaan Salaad Cali Jeelle ayaa wuxuu sheegay in dilalka ka dhacaaya Magaalada Muqdisho, ay geysanayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al Shabaab.

Ciidamada Dowladda ayaa wuxuu sheegay inay hawl galo joogto ah ka sameeyaan Magaalada Muqdisho, waxayna uga hortaggaan buu yiri dilalka ay qorsheynayaan Al Shabaab.

Ciidamada Dowladda ayaa wuxuu ku ammaanay inay iyagu dilayaan oo kaliya ragga Al Shabaab ka tirsan, ee qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ka wada sida uu yiri Magaalada Muqdisho.

Hase ahaatee Al Shabaab ayaa wuxuu ku eedeeyay inay iyagu dilayaan dadka rayidka ah ee aanu waxba galabsan, wuxuuna Al Shabaab uu ku eedeeyay mid aan u naxeyn shacabka Somaliyeed.

Inaysan Al Shabaab shacabkeeda u nixin ayaa wuxuu ku macneeyay ifa faalo muujineysa, sida kooxaha argagaxisada xiriirka la leh buu yiri, aysan marnaba ugu naxariisaneyn shacabkooda.

Mr. Jeelle ayaa wuxuu rajo badan uu ka muujiyay in la soo gaba gabeen doono dagaalada Dowladda Somaliya, ay kula jirto Ururka Al Shabaab, oo uu xusay inay ka soo dhamaanayaan dalka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles