Golaha Dhaqanka Minnesota waa gudi ka kooban wax garad Soomyaaliyeed ee isugu jira rag iyo haween ku dhaqan gobolka Minnesota ee dalka Mareeykanka. War saxaafadeedkoodu waxa uu ifin doonaa marxaladaha quseeya Soomaalida ee haatan cakiran. Bayaanka ayaa u dhigan sidatan:
Ku: Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sh. Maxamuud
Ku: Madaxweynaha Dowladda Puntland, Dr. C/raxman Sh. Maxamed “Faroole”
Ku: Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Augustine Phillip Mahiga
Ku: Gudoomiyaha Maamulka Kumeel-gaarka Kismaayo, Sheikh Axmed Madoobe
Ku: Golaha Baarlamaanka Soomaaliya
OGEYSIIN: Saxaafadaha Madax Banaan
Golaha Dhaqanka Minnesota waxay ka codsanaya madaxweynaha Dalka Soomaliya inuu ixtiraamo, ku dhaqmo, fuliyana Dastuurka Federaalka oo ku dhaartay inuu hirgeliyo.
Golahan wuxuu ka codsanayaa dawladda Federaalka ee Soomaliya in awoodda dalka, siiba haya’daha amniga, garsoorka, mashaariicda qandaraasyada iyo shaqaaleynta mawaadiniinta dalka si cadaalad loo qeybiyo.
Golahan wuxuu ka codsanayaa dawladda Federaalka ee Soomaliya in awoodda dalka, siiba haya’daha amniga, garsoorka, mashaariicda qandaraasyada iyo shaqaaleynta mawaadiniinta dalka si cadaalad loo qeybiyo.
Golaha waxay tageersan yihiin nabadgalyada, xasilonida, iyo jiritanka dowlad Goboleedka Puntland.
Golahan oo aan xisbi iyo shaqsi si qaas ah u taageerin ayaa waxay doonayaan in laga taliyo danta guud iyo midnimada Puntland. Waxaan Dhamaan Bulshada Deeganada Puntland, ku boorinayaan inay ka foojignaadaan inay iyagu wax yeelaan sharaftooda iyo danahooda guud . Waxaan aad usoo dhowayneynaa meel marinta iyo hirgelinta Dimoqraadiyadda. Waxaana si weyn ula dar daarmaynaa siyaasiyiinta, dowladda, cuqaasha, haya’daha, iyo hogaamiye diimeedka reer Puntland, waxaanuna u sheegaynaa in aysan suurta gal noqon doonin Puntland In ay fowdo isu bedesho, laakiin nabad galyadu ay muhiim tahay markastaba, nadaamka axsaabta badana waa Horumar lagu tallaabsaday oo taageero u Baahan.
Golaha wuxuu taageersan yahay shirweynaha jaaliyada Jubaland ee Gedo, Jubada Hoose iyo Jubada dhexe iyo himilada lagu yagleelayo Jubaland State of Somalia: Maamul goboleed federaali ah oo ka shaqeeya amniga iyo hormarka deegaanadaasi oo tacadi maamul la’aan ah ka taagnaa. Waxa uu golahan u hambalyeynayaa howl-karnimada iyo shaqada maamulka degmada Kismaayo iyo sida ay u dardargaliyeen maamulka degmada Kismaayo. Sidaa awgeed, waxaa uu gudiga Golaha Dhaqanka Minnesota ay ugu baaqayaan dhamaan Soomaalidu in ay taageerto maamulkan
Golaha waxay dowlada federaaliga ah ugu baaqayaan in ay qiimeeyaan codka iyo danaha shacabka deegaanada Jubaland. Waxayna ka codsanayaan in ay taageeraan Jubaland State waxna ka dhisaan
Golaha waxay ugu baaqayaan dowladda federaalka, maamulka gobolka Banadir, iyo odayaal dhaqameedka gobolkaasi in ay cadaalada ka shaqeeyaan isla markaasina dib ugu soo celiyaan Soomaalidii hantidooda laga boobay ilaa iyo xilligii dagaalkii sokeeye ee 1991. Dib usoo celinta hantida guryaha iyo beeraha waxay aasaas u tahay nabadgelyo iyo xal waara sidii loogu soo celin lahaa dalka Soomaaliya. Hadii aanan arrintaan la helin way adkaan doonta in la helo xal iyo wada noolaasho.
Magacyada Saxiixayaasha Bayaankaan:
1-Abdullahi Adan Shirwac
2-Hussein Yusuf Ahmed
3-Isse Musse Mohamed
4-Mohamed S. Awad
5-Abdirahman Samatar
6-Yusuf O. Mohamud
7-Dahir Mohamed Abdi
8-Mohamed M Ahmed
9-Yusuf Warsame Guled
10-Isse Mohamed Farah
11-Hawo Ibrahim
12-Fadumo Mohamed
13-Ali Ahmed Isse
14-Jamilo Ay Samatar
15-Abdirisaq Mohamed Musse
16-Ali Muse Mohamed
17-Abdi Habiib Hassan
18-Habiba Said
19-Halimo Said
20-Fadumo Mohamed
21-Fadumo Yusuf
22-Deqo Mohamed
23-Fowsiya Ahmed
24-Abdi Ahmed Mohamed (Furgux)
25-Mohamud Hashi Hassan
26-Abdullahi Adan Shirwac
27-Asha Igal
28-Farah Dhore
29-Ahmed Uleh (Uleex)
30-Saciido Ibrahim Yusuf
31-Asha Mohamed
32-Musse Ciise
33-Fadumo Cali Garaaf
34-Aden Ismaaciil Adan
35-Ahmed Yaaquub
36-Muse Abees
37-Faduma Jaamac Yuusuf
38-Halima Muuse Adan
39-Khadiija Ahmed Sahal
40-Safiya Hirsi Ali
41-Hawa Ibrahim
42-Sheikh Saciid Mohamed
43-Sirad Dahir Abdullahi
44-Abdiqaadir Yuusuf BArre
45-Saciida Adan Hirsi
46-Halima Ahmed Shire
47-Mohamud Ali Bile