Hogaamiye sare oo ka tirsan Al-Qaacida Mokhtar Belmokhtar ayaa Waxa la sheegay in lagu dilay dagaal ka dhacay waqooyiga Mali, sida uu xaqiijiyay Telefishinka Chad.
Sarkaalkan oo ahaa hogaamiye hore oo Al-Qaacida ka tirsanaa ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa ninkii bixiyay amarkii lagu weeraray warshadii shidaalka ee Algeria bishii Janaayo, kaasoo lagu dilay ilaa 37 la heyste.
Mukhtar ayaa mid ka mid ah ishiisa ku waayay dagaalo uu la galay Ciidamada Algeria sanadkii 1990, waxaana uu door weyn ku lahaa dhaq dhaqaaqyadii islaamiga ee dalkaas ka jiray, kaasoo looga soo horjeeday dowladda Algeria.
Ninkan ayaa isagoo 19-jir ah tababar u aaday dalka Afganistaan, waxaana markii uu ku soo laabtay Algeria la sheegay inuu ku biiray kacdoonada islaamiyiinta oo uu markii dambe majaraha u qabtay.
Maxkamada Algeria ayaa horay dil ugu xukuntay Mr Mokhtar, iyadoo uu ka mid ahaa raga uu Mareykanka doon dooneyaya ee horay u iclaamiyay in Jihaadiyiinta Caalamka uu xiriir ka dhaxeeyo.
Ciidamada ka socda Chad ayaa dagaal adag kula jira Islaamiyiinta Mali, iyadoo ka qeyb qaadanaya howl galka caalamiga ee uu hogaaminayo Faransiiska.
Jimcihii Madaxweynaha Chad Idiris Deby ayaa sheegay in ciidamadiisa ay dileen hogaamiye ka tirsan Al-Qaacida oo lagu magacaabayay Abou Zied.