Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweyne Xassan Shiikh oo Xalay Ra’iisulwasaare Saacid u Gacan qaaday.

$
0
0

xasan-iyo-saacid-350x270Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud ayaa xalay u Gacan Qaaday Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Mudane Saacid Shirdoon.

Xalay Ayaa Waxa  Madaxtooyada Villa Somaliya ka dhacday arin aad loola yaabay oo fajaciso ku noqatay dadkii ku sugnaa Xarunta Madaxtooyada Somaliya, kadib Markii Madaxweynaha Somaliya oo siweyn uga Carooday Shirka ka furmay Magaalada Kismaayo uu Tarmuus shaah ah ku halgaaday ama ku tuuray Raisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon , isagoo waliba canaan xoogan u raaciyay.

Ilaalada labada Mas’uul Raisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa soo kala dhex galay gacan ka hadalka dhex Maray Madaxweynaha Somaliya iyo Raisul Wasaaraha Somaliya Saacid.

Wararka waxay sheegayaan in Raisul Wasaaraha dhaawac ka soo gaaray Lugta Midig Bowdada oo uu diirka ka dhacay.

Madaxweynaha Somaliya oo aad u careysnaa ayaa la sheegay inuu Saacid ku eedeeyay in uu ku guuldareystay wax ka qabashada arimaha Jubboyinka iyo Gedo ee aheyd ujeedadii ugu weyneyd ee loogu dhiibay Xilka Raisul Wasaarenimo , waa sida uu hadalka u dhigaye Madaxweynaha Somaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha waxuu aflagaadeeyay Raisul Wasaare Saacid oo uu ku sheegay nin Jilicsan oo ku guuldareystay howlahii loo igmaday. Raisul Wasaaraha ayaa lagu soo waramayaa inuu isku dayay inuu qanciyo Madaxweynaha Balse waxaa xaajidi oo dhan dhoobeyay Madaxweynaha Somaliya oo caro xoogan ka qaaday Shirka ka furmay Magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Xasan Maxamud Culusow ayaa waxuu ku dhawaaqayay sida wararku sheegayaan ” Kismaayo beel Kenya taageereyso ayaa qabsatay, umana dul qaadaneyno dagaal ayaan ka xinaa, Kismaayo dadka ku shiraya uma dhalan , Dadka Kismaayo u dhashay Muqdisho ayay ila joogaan” Iwm.

” Puntland ayaan qaatiyaan ka taagneyn oo dowlada dhabar jebisay sharcigana ku tumatay, Maamul kale oo carqaladeeya dowladeeyda uma dul qaadanayo, Koonfur kalama qeybsanto ,mana yeeleyno in beelaha qaarkood ku fikiraan Maamul gobaleed” waxaa sidaas yiri Madaxweynaha Somaliya sida ay noogu soo waramayaan Shaqsiyaad goob jooge ahaa.

Arimahan foosha xun ee naceybka qabiilka ku saleysan ee ka soo burqanaya Madaxweynaha Somaliya ayaa ah mid sii kala fogeynaya Shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, waana mid hor seedeysa burbur deg deg ah oo ku yimaado qarinimada iyo midnimada Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ra’isul Wasaare Saacid ayaa lagu soo waramaya inuu ku dooday in uu ku dadaalay wax ka qabashada iyo is hortaaga Maamulka Jubaland ,balse uu wax ka qaban waayay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles