Kalfadhigii labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, kadib munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka qeyb galeen Madaxda ugu sareysa dowladda, Wasiiro, Diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.
Kalfadhiga oo ay xaadir ahaayeen in ka badan 100-xildhibaan ayaa ka dhacay xarunta School Polizio, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay, waxaana la xiray qeybo ka mid ah wadooyinka soo gala Xarunta Dugsiga sare ee Booliska.
Munaasabada oo ugu horeyn suugaan ay ku soo bandhigeen Kooxda Hobolada qaranka ayaa waxaa furay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbad ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya, taasoo ah mid Dastuuri ah.
Khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka jeediyay kalfadhiga labaad ee baarlamaanka ayaa kaga hadlay waxyaabihii u qabsoomay dowladda, isagoo ugu hambalyeeyay Xildhibaanada sida ay waajibaadkooda u soo guteen iyo howlihii ay qabteen kalfadhigii koowaad ee soo xirmay.
Madaxweyne Xasan Sheekh yaa sheegay in xiriirka siyaasadeed ee arrimaha dibada uu meel wanaagsan marayo, isagoo xusay inay soo celiyeen xiriirkii ay caalamka la lahaayeen, taasoo uu cadeeyay in dowladda horumar ka sameysay.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka halday arrimaha ammaanka iyo Federaalismka, isagoo cadeeyay in dowladda ay ku dadaaleysi sidii ay u hirgelin laheyd nidaamka gobolada ee federaalka, waxaana uu intaa ku daray in aanay dowladdu aqbali doono wax dastuurka ka hor imaanaya.
Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday xiriirka dowladaha deriska, waxaana uu sheegay in xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo dowladda Kenya, isagoo hambalyo u diray shacabka dalkaas oo maalinimada Isniinta u dareeraya doorasho.
Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka oo maanta furitaankiisa aheyd ayaa la filayaa in maalinta berri la guda galo kulamadii caadiga ahaa, iyadoo Baarlamaanka uu horyaalo ajandayaal kala duwan oo ay ugu weyn tahay la xisaabtanka xukuumada.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe