Waxaa maalmahanba Booqasho ku joogay Dalka ingiriiska Duqa Magaalada Bosaaso Dr. Xasan Cabdallah Xasan .
Dr. Xasan intii uu Joogay Dalka Ingiriiska wuxuu kulan kula yeeshay Duqa magaalada Leicester, Abdul Osman (The Lord Mayor of Leicester).
Sidoo Kale Waxaa ka mid ahaa howlwadeenadii la socday duqa magaalada Bosaaso Cabdishakur Tarax , Axmed Maxamed iyo Cabdullah Ismaaciil Maxamed. Wuxuuna kulankaasu ka dhacay xarunta duqa magaalada Leicester.
salaan diiran iyo Soo Dhoweyn ka Dib labada Masuul waxay iska waraysteen taariikhaha iyo horumarka labada magaalo ee Boosaaso iyo Liecester, runtiina labadaas magaalo waxay ku caan bexeen waxyaabo aan lala wadaagin, gaar ahaan marka laga eego dhinaca taariikhda faca weyn ee ay labada magaalo leeyihiin.
kulanka shirka ka dib waxay labada Masuul isla meel dhigeen in la Mataaneeyo labada magaalo ee Leicester iyo Boosaaso, layskana kaashado howlaha iyo horumarkoodaba, si ay isu waydaarsadaan waxyaabaha ay hodonka ku yihiin. Waxay kale oo isla meel dhigeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta howlaha dawladaha hoose .
Kulankaan labada Duq wuxuu ku soo dhamaaday Jawi Degan waxayna isla meel dhigeen sidii ay kulamo Dame oo Joogta u wada Yeelan Lahaayeen Hadii eebe Idmo.