Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Shir lagu taageerayo maamul u sameynta Gobolada Jubooyinka oo Denmark lagu qabtay.

$
0
0

imageWaxaa shalay magaalada Aarhus ee Delka Danmark Shir jaraaid ku qabtay Ururka Jubaland relief and Development Organization iyo jaaliyadda jubooyinka.

Shirkaas jaraaid waxaan lagu taageerayay shirka maamul u samaynta Jubaland state Of Somalia uga furmay magaalada Kismaayo ee xarunta jubada hoose. Waxaa  si buuxda loogu taageeray loona soo dhaweeyyay maamul ka dhisma Jubooyinka. Waxaana layaabku noqday hadalkii ka soo yeelay masuuliyiinta ugu saraysa dawlada fedaralka ah ee Soomaaliya. Xukuumadda Soomaaliya waxay ku shisan tahay laguna doortay oo lagu dhaariyay nidaamka fedaralka ah taas oo micnaheedu yahay in labo gobol iyo wixii ka badan samaysan karaan maamul ay iyagu leeyihiin. Waxa kale oo xasuus mudan in lixda bilood oo ay xukuumadani dhisan tahay ay mashquul ku noqotay Jubooyinka, waxaa kale oo wax lala yaabo ah in  ad moodo in aysan meel aan Baraadir ahayn an xilka sarnayn  xaga amnida iyo dhanka horumarinta dalka.

Waxaan si kalsooni leh u soo dhawaynaynaa  una taageeraynaa maamulka jubooyinka. Waxaan si cad oo cod dheer ah u leenahay in cadaalada dalka iyo dadka la ilaaliyo in si siman dalka loo gaarsiiyo horumarka iyo mashaariicada lagu helo magaca qaranka Soomaaliyeed, dalku in uusan noqon hal magaalo,in kitaabkii lagu dhaartay laga run sheego. Ummadda Soomaaliyeed la  ilaaliyo midnimadeeda qaranimadeeda.

Waxaan sidoo kale salaan sharaf iyo duco u diraynaa ciidadmada amniga ummadda jubooyinka maamulka KMG ah u soo dhabar adaygay hawshii adkayd ee ay soo mareen oo dhimayo dhaawac, iyo baahiba lahayd.

Waxan sidoo kale soo dhawayn iyo dhiira galinba u diraynaa  ummadda Soomaaliyeed ee Jubooyinka iyo siyaasiyiinta waqtigoodii,maskaxdoodii iyo meelkoodiiba u huray.

Waxaan ku baaqaynaa in aqoon yahanka siyaasiyiinta indheer garadka,hooyooyinka, dhalin yarada, iyo inta caqliga iyo cadaalada u saaxiibka ah meelkas oo ay joogaan in ay taageeran,maamulka Jubooyinka ka dhismaya. dadkaas oo la xuqquuq ah dalka intiisa kale.
Jubooyinka, waxaa la dagay dagaalo,siuyaasado kala duwan leh oo aan cidna u naxariisanayn 22dii sano ee la soo dhaafay.

Gabagabo Ururka Jubland relief and development Oraganization iyo jaaliyada  Jubooyinka waxay shirka ugu baaqayan cadaaadad,midnimo,horumar iyo hal abuur lagu hirto.
Mahadsanid  Ururka Jubland relief and development  Organization

Guddiga Maxamed Bashiir Maxamed, Amoon, Said  Awil Abdi Ade Gaboobe Ali.
Awilabdi67@hotmail.com mohammed.egaal@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Latest Images

Trending Articles