Kooxda al-Shabaab ayaa la sheegay inay ku gowracday nin rayid ah tuulada Duqaaqe, oo 40 km galbeed kaga beegan magaalada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.
Ninka la gowracay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne kaas oo afduub ahaan ay u haysatay maleeshiyada al-Shabaab oo markii dambe gowracday.
Dadka deegaanka waxay sheegayaan in maleeshiyada al-Shabaab ay horey u sii qaadatay madaxa ninka, iyadoo goobta ay ku gowracday ninka uga tagday jirkiisa oo madax la’, kuna qortay magaca “Xasan”, kaas oo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin inuu yahay magaca ninka la dilay.
Inkastoo la aqoonsan waayay ninka, haddana dadka deegaanka waxay rumeysan yihiin in uu ahaa dhaqtar ka howlgali jiray magaalada Beledweyne.
Waxay intaas ku dareen in loo maleynayo in maleeshiyada al-Shabaab ay gowracday dhowr qof oo kale bilihii ugu dambeeyay, iyadoo aan si rasmi ah loo garanayn sababta ka dambeysa gowraca dadkaas.
Dhacdada ayaa imaanaysa labo toddobaad kaddib makii maleeshiyada al-Shabaab ay nin kale qoorta uga goysay tuulada la yiraahdo Shoow oo 75 u jirta magaaalada Jalalaqsi. Waxaa lagu eedeeyay inuu diiday inuu xoolihiisa ka bixiyo lacag sako ahaan ay uga dalbatay kooxda al-Shabaab.