Dadweyne aad u tiro Badan ayaa maanta isugu baxay waddooyinka magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland, kuwaas oo dhigayay dibadbax looga soo horjeedo maleeshiyada al-Shabaab & dilkii ay u gaysteen Shiikh CabdulQadir Nuur Faarax 15 bishan.
Dibadbaxayaasha oo isugu jiray haween, carruur, arday, culumaa’ddiin, dhallinyaro ayaa ku dhawaaqayay hal-ku-dhegyo ay ku dhaleeceynayeen kooxda al-Shabaab,waxaana ka qaybgalay masulliyiinta Puntland oo hogaaminayo madaxweynaha Puntland CabduRaxmaan Maxamed faroole.
Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ku taageerayeen dawladooda, waxayana muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan dilalka kooxda Alshabaab u gaystaan Culimu’adiinka & qaybaha kele ee ummadda,amaanka magaalada xoog ayaa loo adkeeyey intuu socday dibad baxani.
Madaxda dawlada ,Culima’udiinka & dadkii kele ee ka hadlay dibadbaxan waxay dhamaantood waxay khudabahooda diirada ku saareen iftiiminta dadka dilaya dadka waxtarka u leh bulshada,waxayna ku baaqeen in meel looga soo wada jeesto,laamaha amaanka dadweynaha looga baahan yahay inay kala shaqeeyaan suggida amaanka.
Madaxweynaha dawladda Puntland Cabduraxmaan Maxamed Faroole,waxaa bulshada ku booriyey ka ortega kooxda uu caadaysatay dilalka & amaan darada,wuxuuna sheegay in dawladda ay sii wadayso dagaalka ay kula jirto argagxisada.