Wakiilka Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Michael Keating ayaa gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland,iyadoo halkaasi ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland.
Michael Keating ayaa madaxtooyada Hargeysa kulamo kula leh madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo mas’uuliyiin kale iyadoo aan la ogeyn arrimaha ay ka wadahadlayaan.
Hase yeeshee waxaa la filayaa in ay labada dhinac ka wadahadlaan xiriirka Qaramada Midoobay iyo maamulka Somaliland.
Sidoo kale ergeyga ayaa la rajaynayaa in uu kala hadlo Maamulka Somaliland arrimo la xiriira wadahadalada hakadka galay ee u dhexeeyay dowlada federalka ah iyo maamulka Somaliland.
Booqashada Keating oo ah tii ugu horeysay ee uu ku tago magaalada Hargeysa ayaa waxa ay booqashadiisii ku soo beegantay xilli ay xiisada u dhexeysa maamulada Somalialnd iyo Puntland ay joogto meeshii ugu sareysay.