Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Jaaliyadda Gobolka Doollo ee Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee degan Sweden gaar ahaan Gothenburg oo Baaq Soo Saartay.

$
0
0
Jaaliyadda  Gobolka  Doollo ee  DDSI)  ee daggan Waddanka Sweden gaar ahan  Caasimadda labaad Gothenburg, ayaa  waxay baaq  u direen  Madaxweynaha Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya   MD  Cabdi Maxmuud Cumar  iyo xukumadda  DDSI.  Baaqaas  oo  ku  saabsan  Gobolka Doollo ee xaruntiisu tahay Wardheer oo Jaaliyadu ay sheegeen   inaan loo caddaalad  samayn..
Jaaliyadda Gobolka Doollo siiba dagmooyinkiis Galaadi Bookh iyo Santarka Qaloocan,  waxay  marka hore  soo dhawaynaya  hormarka ka socda  Dawlad deeganka Soomaalida Itoobiya..
Tan  iyo markii  Madaxwayne Cabdi Maxamud uu hogaanka u qabtay  Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya  waxaa jira  hormar  fiicaan oo uu ka sameyey  dhulkaas  hase- yeeshee    Gobolka Doollo  wuxuu  noqday mid  aan lajaan qaadin hormarkaas wilina aysan ka curan  barnaamujka loogu magac daray dib u curasho) iyo mamulka suuban  waana  gobolka ugu ugu danbeeya dhanka hormarka arrimaha bulshada  marka loo eego gobollada  Dawlad Deegaanka ..
Nuxurka  baaqa   ayaa   ku saleysnaa    in Gobolka Doollo  uu, aad  uga dambeeyey Gobollada  kale ee Dawla deegaanka Soomalaida Itoobiya marka laga eego   mashaariicda hormarineed ee  Gobollada  kale  laga fuliyey   dhanka maamulka iyo barnaamijka  dib u curshada..
Baaqaan oo, ay soo saareen Jaaliyadda  ka soo jeeda  Gobolka Doollo  ee  daggan  Magaalada  GOTHENBURG)   ee  dalka Sweden,   ayaa   baaqoodu wuxuu  u qoraa sidaan ..
,Degmooyinka & Goballada  lamagacaabay in aan loo caddaalad falin Gobolka  doollo & deegaanka Ceelcad ee bariga  Xarunta Gobolka ee  Wardheer,   ayna jirto ex  wayn oo lagu sameyey Gobolka, Doollo..
Inaan  si caddaalada loo qaybin dagmooyinka  lagu daray Gobolka Doollo ee kala ah Yucub iyo Gal xamur  ayna jiraan    Santaro wawayn   kana dhaqaalo  iyo istirtiijisan  oo aan  loo gudbin heer Dagmo iyo heerka  seddexaad  ee  ismaamul magaalo..
Dhammaan hannaanka  dib u curasho ee  Dawlad degaanka   laga  reebay siyaasiinta  ka soo jeeda  Dagmooyinka  Gallaadi   Bookh  iyo Santarka Qalloocan iyo  deegaanada hoos yimad  taaso  ka hor imaanaysa   barnaamijkii dib u curshada oo, ahaa  in   si sinaan ah   dib u curashadu u gaarto dhamman   Dawlad degaanka..
Haddaba   waxay jaaliyadu  baaq   u dirayaan hogganka sarre  ee   Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Ethiopia,  Golaha Cabinet-ka  siyaasiinta  ka soo jeeda  Gobolka Doolo siiba dagmooyinka Galaadi Bookh  iyo santarka Qaloocan   in  caddaalad  iyo sinaan  loo sameeyo  deeganka bariga Gobolka dolo  iyo guud ahaan gobolka..
In Gobolka uu helo  xaquuqdiisa asaasiga sida waxbarshad  caafimaadka iyo hannaanka maamul  suuban  lana  tixgeliyo  baaqa jaaliyada.
Jaaliyaddu  waxay    saluugsan yihiin   inaan Gobolku qayb u heli karin labo dagmo oo kaliya  kuwaas  oo  dhawaan lagu daray    sida Galxamur iyo Lahelow –Yucub laakiin loo baahnaa in  dagmooyin loo  dalacsiiyo, Santarada waweyn ee kala ah  Santarka Qalloocan, Santarka Bali Midgaan, ama Bali wanaag,   Santarka Qaawane, iyo Santarka Kurtulle. Oo dhamaantood u qalba Dagmooyin qaarkoodna ay u qalmaan Ismaamul magaalo..
 Ugu  dambayntiina   Jaaliyada Sweden Daggan ee ka soo jeeda   Gobollka Doollo  Dawlad deeganka Itoobiya  gaar ahaan   Gothenburg, waxay   jaaliyaddaha kale ee caalamka dagan ugu baaqayaan inay ka qayb qataan hormarka  iyo  waxa  u  qabaka Gobolka Doolo, oo aad modo in la iska ilaaway.
Hoggaanka Jaaliyadda  Cali  Axmed  Xaaji Cali Baalle
Sahal Osman Jamac Gadood,
12294998_873586786083988_1726812055_o 12476631_873587539417246_2041168184_o 12837605_873587482750585_448590728_o 12842380_873586722750661_2135519424_o 12516798_873587542750579_219805310_o 12837535_873586742750659_2104695718_o hqdefault

Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369