Cumar Ismaaciil Waaberi oo ahaa Gudoomiye ku xigeenkii Hore ee Ururka Horcad ayaa Waxa Loo Doortay in uu noqdo Gudoomiyada Rasmiga ah ee Ururka Hor-cad.
Shir ay ka soo qayb galeen madaxdii Hore ee Ururka Horumarka iyo cadaalada (Hor-Cad), taageerayasha Ururka , Nabadoono iyo Aqoonyahano ,Ganacsato kuwaas oo ku lebisnaa Koofiyado iyo Funaanado ay ku xardhanyihin Magaaca Ururka ayaa waxa ay ka dhacda Hotel Panarome ee Magaalada Boosaaso.
Munaasabadaan ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay Buug ay ku qornaayeen Hadafka ururka iyagoo qayb ka mid ahna loo qaybiyeey dadkii ka soo qayb galay, waxaana Khuudbado ka soo kala jeediyeey masuulintii ka soo qayb gashay ,iyadoona halkaas ay ay qaar ka mid ah dhalinyaradii ka soo qayb gashay ay ka soo jeediyeen suugaan isugu jirtay Gabayo,Geerar iyo Buraanbur lagu amaanayo Ururka.
Shirweynaha oo Ahaa Kii Kowaad ee ururka ayaa waxaa lagu ansixiyey xeer hoosadka ururka iyadoona halkaas lagu doortay
Gudoomiyaha Rasmiga ah ee Ururka Horcad iyo Ku Xigeenadiisa.
1-Gudoomiyaha ururka waxaa loo doortay Cumar Ismaaciil Waaberi .
2-Guddoomiye Ku xigeenka Ururka Waxa loo doortay Sayid Cali Diiriye Nuur.
3-Guddoomiyaha Gollaha Dhexena waxaa loo doortay Cabduqaadir Axmed Ducaale oo horeyna u ahaan jiray Guddoomiyaha KMG ah ee Ururka Horcad.
Doorashada ka dib ayaa waxa Madasha ka hadlay Gudoomiyaha rasmiga ah ee Ururka Horcad Mudane- Cumar Ismaaciil Waaberi isagoo ka hadlay Ujeedka gundhiga u ah ururkaan isagoo sheegay in Ururkaan uu yahay mid ay u jeedadiisu Tahay in wadanka laga arko cadaalad iyo weliba horumar ay gaaraan bulshada reer puntland.
Sidoo kale Waxa uu sheegay in arrimo badan ay Wax ka qaban doonaan balse tan ugu weyn ay tahay iney ka dhabeyn doonaan haddii Hoggaanka Puntland ku guuleystaan in Waxbarashada ka dhigi doonaan mid lacag la’aan ah qof walbana uu nasiib u yeelan doon fursadaan.
…””” Waxbarasho laacag la’aan ah inaan sameyn doono haddii EEBE idmo dugsi hoose ilaa dugsi sarre,taasina waa mid Adduunka ka jirta,waxaana lagu suurtageliyaa in loo arko iney Waxbarashadu tahay u dubka aasaasiga ah ee ugu horeeya qofka Insaanka ah…”””ayuu yiri.
Mar uu ka hadlaayey Siyaasidihii ku dhisnaa Hannaanka Qabaa’ilka ee Puntland kusoo dhaqmeysay 14-sano ee lasoo dhaafay ayuu sheegay in laga gudbay loona gudbay in qofku doorto qofka uu rabo isla markaana ay taageersanyihiin ka Horcad ahaan kuna faraxsanyihiin.
….””Siyaasadii ku dhisneyd Qabiilka,Siyaasadii ku dhisneyd borobogaanada beenta ah,Xaqiraada iyo Qabiilkeygu waa Xoogweynyahay,wey soo dhamaatay,Puntland 14-sano ka dib waxay u gudubtay in qofku dooto qofku rabo,arrintaas oo inteena Horcad ah iyo inta kale ee Ururada taageesan ay ku faraxsanyihiin….”””ayuu yiri Cumar Ismaaciil.
Bulshadda ku dhaqan deegaanada Puntland ayuu ka Codasaday Guddoomiye Cumar Ismaaciil iney taageeraan Ururka Horumarka iyo Cadaaladda Puntland iyo cidii ay u arkaan in dantoodu ku jirto si loo gaaro horumar taabagal ah.
Ururka HORCAD ayuu ku Sifeeyey inuu yahay Ururka dhalinyarada rag iyo dumarba,aqoonyahanka,Odayaasha dhaqanka,Nabadoonada iyo dhamaan inta ka fekeytsa Maslaxada Ummada reer Puntland iyo guud ahaan geyiga Soomaaliyeed.
Gudoomiye ku xigaanka Ururka Hor-cad Sayd Cali Diiriye Nuur ayaa dhankiisa tilmaamay in ururka Hormarka iyo Cadaalada (Hor-Cad ) ay u jeedadiisu tahay sidii ay umada reer Puntland uga bixilahayd habka beel wax ku qaybsiga u na aadi lahayd in ay codkooda wax ku dortaan.
Guddoomiyaha Gollaha Dhexe Cabduqaadir Axmed Ducaale ayaa dhankiisa sheegay in Ururka Hor-Cad uu yahay Urur ka yimi Bulshada reer Puntland una shaqeynaya iyaga.
Guddoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari Cabduqaadir Ibraahim Xarago oo isagu ka mid ahaa Nabadoonadii ka soo qayb galay Shirweynaha Ururkaan ayaa dhankiisa halkaas ka soo jeediyey hadal isugu jiray dhiira gelin uuu ururka dhiiragelinayey ugu nabaqay in ay ka shaqeeyaan Amaanka Puntland.
Waxaa iyaguna kulankaan ka hadlay Masuuliyiinta Gobolada ee Ururka Hor-cad oo ayaguna dhankooda sheegay in ay gobolada iska diiwaan geliyeen dad aad u tira bada.
Ugu Danbeynii Waxa Madasha ka hadlay Gudoomiyaha Gollaha Dhexe Mudane C/qaadir Axmed Ducaale isagoona sheegay in Ururka Horcad uu yahay Urur firfircoon oo dardar badan ka muuqato,hormuudna u noqday intii Saaxada Siyaasada kula tartameysay,waa Urur isaga iyo quluubta dadka reer Puntland ilaahay istusay,maahan dad qabiil ku mideysan maahan dad aragti diimeen ku mideysan,..””ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in Ururka Horcad uu dhiirgelin ku sameyn doono Ganacsiga Xorta ah isla markaana dhalinyaradu tallo ku yeeshaan horumarka dalka.
Halkan ka Dhegayso Khudbadii Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Hor-Cad Mudane Cumar Ismaaciil Waaberi.
Halkan ka dhegayso Khudbadii Gudoomiye ku xigeenka Ururka Horcad Mudane Sayid Cali Diiriye.
Halkan ka Dhegayso Khudbadii Gudoomiyaha Gollaha Dhexe ee Ururka Horcad Mudane C/qaadir Axmed Ducaale.
.