Hay’adda USAID ayaa lacago aad u badan oo dheeraad ah u balan qaady dowlada Soomaaliya kadib booqasho aan lasii shaacin oo sarlkaalka ugu sareeya uu Muqdisho ku yimid.
$20,000,000 (labaatan milyan oo doolar) ayaa hey’adda USAID waxa ay u balan qaaday dowlada Soomaaliya kadib booqasho uu ku yimid sarkaalka ugu sareeya hey’adaasi kaas oo lakulmay madaxda ugu sareysa dalka.
Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Raji Shaah waxa uu lacagtaasi balan qaaday kadib markii uu kulamo gooni gooni ah kula yeesheen garoonka diyaaradaha Muqdisho madaxweynaha iyo R/wasaaraha dalka.
Waxa uu yiri, “USAID waxa ay Soomaaliya ugu deeqeysaa $20,000,000 (labaatan milyan oo doolar) oo dheraad ah taas oo wax looga qabanayo arimaha cuntada, caafimaadka, beerashada, waxbarasha iyo dhamaan howlaha laxariira horumarka Soomaaliya”.
Dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay si aad ah u soo dhawysay balan qaadkaan lacageed ee ay hey’adda USAID ay ugu deeqeyo si horumarka dalka horay loogu sii dhaqaajiyo.
Masuulkaan ka socday ayaa sida caadada u aheyd madaxda dowlada Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kula kulmay madaxweynaha iyo R/wasaaraha Soomaaliya, iyada oo ay qeyb ka noqoneyso kulamada dowlada Soomaaliya madxdeedu ay kula yeelato garoonka diyaaradaha shaqsi kasta oo Mareykan ah.
Waliba cajaa’ibka ugu badan ee maanta la’arkay ayaa waxa ay aheyd in kulamada madaxweyne Xassan Sheekh iyo R/wasaare Saacid ay layeesheen masuulkaan Mareykanka ah ay ahaayen kuwa gaar gaar ah iyada oo aad moodo in ay ahaayeen laba masuul oo laba dowladood ka kala socda oo isku hey’ad lashiraya.