Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Wasiirka Amniga iyo Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida oo Baarlamaanka hor-tagaya.

$
0
0

Wasiirka Amniga Gudaha iyo Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida ayaa lagu wadaa inay maanta hor-tagaan Baarlamaanka, si su’aalo looga weydiiyo arrimaha amniga dalka oo beryihii u dambeeyay faraha ka sii baxayay.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad oo shir-gudoominayay kulankii shalay ayaa sheegay in Wasiirka iyo Taliyeyaasha ay Baarlamaanka hor imaan doonaan maanta oo Talaado ah.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa la filayaa inay su’aalo weydiiyaan Wasiirka iyo labada Taliye, gaar ahaan dhanka amniga, waxaana doodii Xildhibaanada ee shalay aheyd mid xasaasi ah, iyagoo ka hadlayay xariga dadka loo geysto iyo sharciga la dagaalanka Argagixisada.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa wali hor-yaala mooshin la xiriira Amniga, iyadoo 20-kii bishii hore Wasiirka iyo Labada Taliye ay ka baaqsadeen kulankii Baarlamaanka.

Cumar1


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles