Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Coll”Deeradille”Dowlada Puntland Indhaha ayay ka Qarsanaysaa Xaaladaha ka Jira deegaanka Degmada Waaciye”

$
0
0

Xoghayihii hore ee Degmada Waaciye Coll.Mustafe Axmed Ismaaciil (Deeradille) ayaa  sheegay inay Dawlada Puntland indhaha Kaqarsanayso Xaaladaha Kajira Deegaanka Degmada Waaciye.

Coll. Mustafa Axmed Ismaaciil (Deeradille) oo Maanta Shir kuqabtay Gurigiisa Magaalada Boosaaso ayaa sidoo kale Soo dhoweeyay Go’aankii Iscasilaada Gudoomiyaha Degmada Waaciye.Mudane Rooble Cumar Maxamuud Wuxuuna Sheegay inuu yahay Shaqsi Go’aan Qaadasho leh oo Taariikhdu sheegi doonto arintaasna uu Kamaray Wixii kaga aadanaa Waana arin loo baahan yahay in Shaqsiga Masuulka ah uu Tanaasul layimaado hadii ay Caqabad Kaga timaado dhinaca Xukuumada.

Sidoo kale waxa uusheegay in Xilkaqaadista Taliyaha Qeybta Karkaar Mr.Bashka  iyo Taliyaha Saldhiga Waaciye aysan Waxba Kabedeli karin Xaaladaha soo noqnoqoshada badan ee Ka jira degaanka degmada Waaciye Wuxuuna sheegay inuu U’arko Go’aanka Waftigii Tegay Degmada Waaciye >CUDURKA KAAGALA FARDAA HADII LAGA GUBO DAMEER DAWADA LAMA GAARAYO< Wuxuuna sheegay in Waftiga Dawlada Puntland ee Tegay Degmada Waaciye ay Qaateen aragti ku’aadan Kantaroolka Alxamdulilah oo Keliya,ayna Waftigu indhaha kaqarsadeen Arimihii Ugu Cuslaa Ee dhaliyay Xaaladaha Amni daro Ee Ka jira deegaanka degmada Waaciye.

12729253_10201402225334546_3975108458509845216_n 12742545_10201402224854534_1997239963852970938_n


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles